Friday, July 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Turkiga oo garab istaag u muujisay dowladda Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Dowladda Turkiga oo garab istaag u muujisay dowladda Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay heshiiska is-afgaradka dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Bixi Cabdi, kaas oo ku xadgudbaya midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga Öncü Keçeli oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka ee hadda loo yaqaan X ayaa yiri, “Waxa aanu ka walaacsanahay Heshiiskii Is-afgaradka ee Iskaashiga ee ay Itoobiya iyo Somaliland ku kala saxeexdeen Addis Ababa January 1, 2024, iyada oo aan ogolaansho ka haysan Dawladda Soomaaliya.”

Related posts

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

July 16, 2026

Sidoo kale qoraalka uu faafiyey afhayeenka ayuu ku sii daray, “Waxaan mar kale xaqiijinaynaa sida ay nooga go’an tahay midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan ku nuuxnuuxsanaynaa in ballan-qaadkani uu yahay mid ku jaan go’an sida shuruucda caalamiga ah.”

“Hadda iyo jeer, waxaan rabnaa in muranka u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland lagu dhammeeyo wada xaajood toos ah iyo Soomaali dhexdeeda, waxaanan ku celinaynaa inaan taageersanahay hindisayaasha jihadaas,” ayuu ku soo gabagabeeyey qoraalka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga

Previous Post

Suudaan oo taageertay go’aanka Dowladda Soomaaliya

Next Post

Madaxweynaha JFS oo Madaxweyne ku-xigeenka Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada Soomaaliya

Next Post
Madaxweynaha JFS oo Madaxweyne ku-xigeenka Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada Soomaaliya

Madaxweynaha JFS oo Madaxweyne ku-xigeenka Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada Soomaaliya

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
0

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa caawa kulan miro-dhal ah la...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

July 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya...

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

July 16, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta bulshada ku nool deegaannada Kabxanleey iyo Deefow ee hoostaga magaalada Beledweyne, xarunta...

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah

July 16, 2026
0

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In