Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Turkiga Oo Soomaaliya Ka Caawineysa U Diyaar Garoowga Iyo Maareynta Musiibooyinka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Turkiga Oo Soomaaliya Ka Caawineysa U Diyaar Garoowga Iyo Maareynta Musiibooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa bilowday wada-xaajood ay ku dooneyso in Turkiga ka kaalmeysato dhinaca Maareynta Musiibooyinka.

Kulan dhinaca Aaladda zoom-ka ay ku yeesheen Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo Mas’uuliyiin Turkiga ayaa labada dhinaca waxa ay isku-afgarteen in Soomaaliya laga taageero awoodda dhinaca si odorisadda iyo ka warqabka isbadalka cimilada.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Kulankan ayaa daba socday safar mar sii horreysay Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka mudane Xamsa Saciid Xamsa uu ku tagay dalka Turkiga, halkaas oo uu soo booqday xarumaha saadaasha cimilada iyo maareynta Musiibooyinka ee dalka Turkiga

Intii uu socday kulanka, waxaa labada dhinac ay ka hadleen hababka ay isaga kaashan karaan wax ka qabashada musiibooyinka soo noqnoqday ee Soomaaliya.

Wasiirka waxa uu tilmaamay in Turkiga uu dowr weyn ku leeyahay soo kabashada Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in wali Soomaaliya u baahantahay taageerada Turkiga ee dhinaca dhismaha hey’adaha ka shaqeeya badbaadinta nafta oo ay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ugu horreyso

Volkan Mutlu Coşkun Agaasimaha guud ee hey’adda adeegga cimilada DalkaTurkiga oo ka hadlay kulanka waxa uu sheegay in Turkiga diyaar u yahay in qibraddiisa iyo farsamadiisa ku taageero Soomaaliya

Mr. Coşkun waxa uu sheegay in hey’adaha cimilada iyo Maareynta musiibooyinka Turkiga ay Soomaaliya ka taageeri doonaan agabka muhiimka ah si loo yareeyo dhibaatada musiibooyinka gaarsiiyaan dadka iyo duunyada Soomaaliya.

Masuuliyiinta Turkiga waxey ballan qaadeen in ay Wasaaradda Gargaarka ku caawin doonaan agabka saadaasha cimilada, qalabka casriga ah ee meelaha fog fog xogta ka uruuriya iyo habka lagu sii saadaaliyo, lagulana socda abaarta iyo fatahaadaha.

Ugu dambeyn, mudane Xamsa Saciid Xamsa ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga teegeerada aan kala go’a lahayn ay ku garab taaganyihiin shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliya.

 

Previous Post

Agaasinka Waxbrashada Gobalka Baaadir Oo Hambalyo Iyo Bogaadin U Diray Ardayda Kaalimaha Hore Ka Galay Imtixaanka Shahaadiga “SAWIRRO”

Next Post

Arday Baratay Cilmiga Caafimaadka Oo Shahadooyin Lagu Guddoonsiiyay Buula Burte “SAWIRRO”

Next Post
Arday Baratay Cilmiga Caafimaadka Oo Shahadooyin Lagu Guddoonsiiyay Buula Burte “SAWIRRO”

Arday Baratay Cilmiga Caafimaadka Oo Shahadooyin Lagu Guddoonsiiyay Buula Burte “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In