Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dufcadii 11aad oo maanta ka qalin jabisay Jaamacadda SIMAD -SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Dufcadii 11aad oo maanta ka qalin jabisay Jaamacadda SIMAD -SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dufcadii 11aad ayaa maanta ka qalin jabisay jaamacadda SIMAD, ayadoo xafladda loo sameeyay ardaydan ay ka qeyb galeen masuuliyiinta ugu sarreysa jaamacadda, waalidiin, wakiilo ka socday qaar ka mid ah jaamacadaha Maleysia iyo marti kale.

Ardayda oo ah 432 ayaa ka qalin jabisay lix takhasus oo ka ka tirsan kasmooyinka culuumta maamulka, culuumta bulshada, dhaqaalaha iyo kombuyuutarka.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026

Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD Daahir Xasan Cabdi ayaa ugu horreyn u hambalyeeyay ardayda qalin jabisay, isagoo sidoo kale soo dhaweeyay masuuliyiinta ka soo qeyb gashay xafladda oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha guddiga sare ee jaamacadda Dr. Cabdiraxmaan Saalax “Muhaylaan”, Sheekh Maxamed Al-Khamiis, Agaasimaha DirectAid Sheekh Xasan Badawi iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga sare ee jaamacadda SIMAD, Sheekh Maxamed Al-Khamiis ayaa tilmaamay in sare u qaadidda waxbarashada Soomaaliya ay aasaas u tahay in la soo saaro aqoon yahan xirfad leh oo ka qeyb qaadan kara dib-u-dhiska dalka, isagoo u hambalyeeyay ardayda qalin jabisay.

“Alle ayaa na waafajiyay aragtidii lagu aasaasay jaamacaddan, machad yar ayay ku billaabatay, waa ay kobacday ilaa heer ay jaamacad noqotay 2011-kii, maanta waxaa arkaynaa jaamiciyiin saameyn ku leh hay’adaha dowliga ah, kuwa gaar ahaaneed iyo kuwa kheyriga ah” ayuu yiri.

Dr. Cabdiraxmaan Saalax Al-Muhaylaan, guddomiyaha gudiga sare ee jaamacadda ayaa tilmaamay in Soomaaliya iyo dadkeeda ay guul u tahay in la helo dad waxbartay oo dalkooda samata bixiya.

“Waxaad tihiin mustaqbalka dalka iyo rajada kaliya ee dib loogu dhisi karo dalkiina Soomaaliya, waan ku faanaynaa inaan helno dad adinka oo kale ah, waxaana idiin baahan kuwa idinla midka ah ee aan waxba awoodin” ayuu yiri

Wuxuu sheegay in 30 waddan oo ku yaalla Africa ay ka wadaan mashaariic waxbarasho, ayadoo Jaamacadda SIMAD ay ka mid tahay hay’adaha ugu horumarsan mashaariicdaas.

“Waxaan raadinaynay dad sidiinna oo kale ah, uma raadinaynin kaliya dib u dhiska Soomaaliya ee waxaan idiinkaga baahan nahay wax ka badan 30 dal oo Afrikaan ah oo ay hay’adda DirectAid ka shaqeyso, haddii ay tahay waxbarashada, gargaarka ama inaad naga caawiyaan dhanka maamulka. Masuuliyadda mustaqbalka gacantiina ayay ku jirtaa” ayuu sii raaciyay.

Dhammaan ardayda qallin jabisay ayaa masraxa yimid, ayagoo gacan qaaday guddoomiyaha guddiga sare ee jaamacadda oo guddonsiiyay shahaaddadooda. In ka badan afar kun oo arday ayaa ka qalin jabisay jaamacadda SIMAD, kuwaas oo shahaaddada heerka koowaad qaatay 16kii sano ee ay shaqeynaysay jaamacaddu kuwaa oo ka shaqeeya xarumaha kala duwan ee guud ahaan wadanka iyo gobolkaba.

648A8141 648A8288 648A9286 648A9385 648A9407 648A9418 648A9443 648A9466 648A9521 648A9525 648A9547 648A9557 648A7428 12417960_980506342003517_417324541350438241_n 1044205_980506148670203_7369345729376257822_n

Previous Post

Madaxweynaha: “Amniga waa tiirka aasaaska u ah horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya”

Next Post

Puntland oo Sheegtay in uusan Fashilmin Shirkii Madasha wada-tashiga Qaran ee Dhawaan Kismaayo lagu soo gaba gabeeyay

Next Post
Puntland oo Sheegtay in uusan Fashilmin Shirkii Madasha wada-tashiga Qaran ee Dhawaan Kismaayo lagu soo gaba gabeeyay

Puntland oo Sheegtay in uusan Fashilmin Shirkii Madasha wada-tashiga Qaran ee Dhawaan Kismaayo lagu soo gaba gabeeyay

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa deeq gargaar raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo nugul oo ku nool magaalada...

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026
0

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta amniga...

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In