Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dugsiga sare ee deegaanka Ceeldibir oo la dhagax dhigay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Dugsiga sare ee deegaanka Ceeldibir oo la dhagax dhigay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadda dhagax dhiga xarunta dugsiga sare ee lagu wado inuu yeesho deegaanka Ceeldibir ee bariga Gobalka Mudug ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socatay Wasaaradda Waxbarashada iyo kuwa maamulka Gobalka Mudug ee Dowlad gobaleedka Galmdug xubo ka socday.

Guddoomiyaha Deegaanka Ceeldibir C/raxmaan Sheekh Xasan oo ugu horeeyn ka hadlay munaasabada dhagax dhiga ayaa sheegay in baahi dhanka waxbarashada dugsiga sare ah ay ka jirto deegaankaasi, isla markaana ka maamul ahaan ay ku wareejiyeen Wasaaradda Waxbarashada Galmdug dhulkii ay ugu tala galeen in laga dhiso xarunta Dugsiga sare ee Ceeldibir

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026

“Dhagax dhigii dugsiga sare ee Ceeldibir ayaa halkaan nooga dhacay dhul cabirkiisu yahay 100X60 ayaana ku wareejinay Wasaaradda waxbarashada Galmudug iyo Maamulka Gobalka si looga dhiso dugsiga sare ee Ceeldibir” ayuu yiri guddoomiyaha Dagmada  Ceeldibir ee Gobalka Mudug C/raxmaan Sheekh Xasan.

Sidoo kale munaasabadda dhagax dhiga ayaa waxaa ka hadlay guddoomiye ku-xigeenka arrimaha maamulka iyo maaliyadda Gobalka Mudug Axmed Maxamed Shire (Qoodaar) waxaana uu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin horumarka dhanka waxbarashada ee ka muuqda deegaanka Ceeldibir, isagoo xusay in ka maamul ahaan ay doorkooda ka qaadan doonaan dhismaha dugsiga sare ee maanta la dhagax dhigay

Ugu danbeeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Galmdug Axmed Nuur Cismaan Cali ayaa ka hadlay munaasabadda dhagax dhiga, waxaana uu uga mahadceliyay maamulka iyo bulshada deegaanka Ceeldibir, dadaalka dhanka waxbarashada ee ay muujiyeen, iyadoo aysan jirin dowlad iyo cid kale oo ku gacansiisay ka Wasaarad ahaana sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dhisi doonaan dugsiga sare ee Ceeldibir.

“Waxaan bulshada reer Ceeldibir Maanta kala wareegnay dhul dherarkiisu yahay 100 balaciisuna yahay 60 oo ay ugu tala galeen in laga dhiso dugsiga sare Ceeldibir, Insha Allah maanta ayaan dhagax dhignay dhulkaasna la wareegnay, waxaana ka faa’ideeysan doona dhismihiisa kaddib bulshada reer Ceeldibir, Wasaaradda Waxbarashaduna sida ugu dhaqsiyaha badan ayey dhisi doontaa bulshada reer Ceeldibir, waxaan uga mahad celinayaa dadaalkooda waxbarasho” Ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Galmdug Axmed Nuur Cismaan Cali Barre

Dhagax dhiga dugsigaan sare ee Ceeldibir ayaa qeyb ka ah barnaamijka horumarinta Waxbarashada Goballada iyo degmooyinka Dowlad gobaleedka Galmudug oo ay wado Wasaaradda waxbarashada Galmudug, taasoo suurta gelisay in deegaanno fara badan oo ka tirsan mudooyinkii u dambeeyay laga hirgeliyo xarumo waxbarasho oo ay ugu horeeyaan kuwa dugsiyada sare.

1 (10) 1 (9) 1 (8) 1 (7) 1 (5)_1 1 (5) 1 (4) 1 (3) 1 (2) 1 (1)

W/D= Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (C/risaaq Galkacyo)

Previous Post

Degmada Kaxda oo laga dareemayo horumar dhinacyo badan “SAWIRRO”

Next Post

Wafdi ka socday Baarlamaanka oo Khartoum kulan kula qaatay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Suudaan “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi ka socday Baarlamaanka oo Khartoum kulan kula qaatay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Suudaan “SAWIRRO”

Wafdi ka socday Baarlamaanka oo Khartoum kulan kula qaatay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Suudaan "SAWIRRO"

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Soomaali , ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray Madasha Bandhigga...

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026
0

Ilaa 1,000 qoys oo ay si daran u saameysay abaarta ka jirta qaybo ka mid ah dalka ayaa ka faa’iideystay...

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

March 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed Mahmoud ayaa kulan sagootin iyo dardaaran ah la qaatay ciidamo gaar...

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In