Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dugsiga sare ee deegaanka Ceeldibir oo la dhagax dhigay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Dugsiga sare ee deegaanka Ceeldibir oo la dhagax dhigay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadda dhagax dhiga xarunta dugsiga sare ee lagu wado inuu yeesho deegaanka Ceeldibir ee bariga Gobalka Mudug ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socatay Wasaaradda Waxbarashada iyo kuwa maamulka Gobalka Mudug ee Dowlad gobaleedka Galmdug xubo ka socday.

Guddoomiyaha Deegaanka Ceeldibir C/raxmaan Sheekh Xasan oo ugu horeeyn ka hadlay munaasabada dhagax dhiga ayaa sheegay in baahi dhanka waxbarashada dugsiga sare ah ay ka jirto deegaankaasi, isla markaana ka maamul ahaan ay ku wareejiyeen Wasaaradda Waxbarashada Galmdug dhulkii ay ugu tala galeen in laga dhiso xarunta Dugsiga sare ee Ceeldibir

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

“Dhagax dhigii dugsiga sare ee Ceeldibir ayaa halkaan nooga dhacay dhul cabirkiisu yahay 100X60 ayaana ku wareejinay Wasaaradda waxbarashada Galmudug iyo Maamulka Gobalka si looga dhiso dugsiga sare ee Ceeldibir” ayuu yiri guddoomiyaha Dagmada  Ceeldibir ee Gobalka Mudug C/raxmaan Sheekh Xasan.

Sidoo kale munaasabadda dhagax dhiga ayaa waxaa ka hadlay guddoomiye ku-xigeenka arrimaha maamulka iyo maaliyadda Gobalka Mudug Axmed Maxamed Shire (Qoodaar) waxaana uu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin horumarka dhanka waxbarashada ee ka muuqda deegaanka Ceeldibir, isagoo xusay in ka maamul ahaan ay doorkooda ka qaadan doonaan dhismaha dugsiga sare ee maanta la dhagax dhigay

Ugu danbeeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Galmdug Axmed Nuur Cismaan Cali ayaa ka hadlay munaasabadda dhagax dhiga, waxaana uu uga mahadceliyay maamulka iyo bulshada deegaanka Ceeldibir, dadaalka dhanka waxbarashada ee ay muujiyeen, iyadoo aysan jirin dowlad iyo cid kale oo ku gacansiisay ka Wasaarad ahaana sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dhisi doonaan dugsiga sare ee Ceeldibir.

“Waxaan bulshada reer Ceeldibir Maanta kala wareegnay dhul dherarkiisu yahay 100 balaciisuna yahay 60 oo ay ugu tala galeen in laga dhiso dugsiga sare Ceeldibir, Insha Allah maanta ayaan dhagax dhignay dhulkaasna la wareegnay, waxaana ka faa’ideeysan doona dhismihiisa kaddib bulshada reer Ceeldibir, Wasaaradda Waxbarashaduna sida ugu dhaqsiyaha badan ayey dhisi doontaa bulshada reer Ceeldibir, waxaan uga mahad celinayaa dadaalkooda waxbarasho” Ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Galmdug Axmed Nuur Cismaan Cali Barre

Dhagax dhiga dugsigaan sare ee Ceeldibir ayaa qeyb ka ah barnaamijka horumarinta Waxbarashada Goballada iyo degmooyinka Dowlad gobaleedka Galmudug oo ay wado Wasaaradda waxbarashada Galmudug, taasoo suurta gelisay in deegaanno fara badan oo ka tirsan mudooyinkii u dambeeyay laga hirgeliyo xarumo waxbarasho oo ay ugu horeeyaan kuwa dugsiyada sare.

1 (10) 1 (9) 1 (8) 1 (7) 1 (5)_1 1 (5) 1 (4) 1 (3) 1 (2) 1 (1)

W/D= Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (C/risaaq Galkacyo)

Previous Post

Degmada Kaxda oo laga dareemayo horumar dhinacyo badan “SAWIRRO”

Next Post

Wafdi ka socday Baarlamaanka oo Khartoum kulan kula qaatay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Suudaan “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi ka socday Baarlamaanka oo Khartoum kulan kula qaatay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Suudaan “SAWIRRO”

Wafdi ka socday Baarlamaanka oo Khartoum kulan kula qaatay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Suudaan "SAWIRRO"

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In