Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Sii-hayaha Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Maxamed-Rashid Ibraahim Yuusuf.
Kulan ay labada mas’uul wada qaateen ayaa ugu horeyn waxa uu Danjire Maxamed-Rashiid ugu Hambalyeeyay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) in markale uu hogaanka u qabto Maamulka Gobolka Banaadir, Asigoona sidoo kale soo gaarsiiyay salaan uu ka siday Duqa Caasimada Djabouti.
Sidoo kale kulanka ayaa loogu hadlay xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada shacab, taageerada Dowladda Jabuuti ee la garab taagan tahay Soomaaliya (Hiil-Walaal), Isdhaafsiga khibrad, aqoon ee dhanka horumarinta Caasimadaha iyo sidii loogu shaqeyn lahaa mataaneenta Labada Caasimadood ee Jabuuti iyo Muqdisho.