Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Caasimadda Galmudug oo soo dhaweyn loogu sameeyay Dalka Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Duqa Caasimadda Galmudug oo soo dhaweyn loogu sameeyay Dalka Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Galmudug ee dalka Kenya laguna soo dhaweynayay Duqa Caasimadda Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Cali Maxamed “Geedi Qorow ” isla markaana looga hadlayayy horumarinta Caasimadda ayaa waxaa ka qeybgalay Salaadiin, Ugaasyo, Odoyaasha dhaqanka, haween, dhallinyaro iyo marti sharaf kale oo xafladda soo dhaweynta ah lagu casuumay.

Cabdiqaadir Carab Diiriye oo ah Xiriiriyaha Galmudug iyo Bankiga Adduunka ayaa madasha ku soo bandhigay qorshaha maamulka ugu talalagay dib u habeynta Caasimadda,

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

January 29, 2026
Wasiirka Wasaaradaha Awqaafta XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga.

Wasiirka Wasaaradaha Awqaafta XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga.

January 29, 2026

Qaar ka mid ah dadkii madasha ka hadlay ayaa tilmaamay inay ku faraxsanyihiin soo dhaweynta ay u sameynayaan Duqa Caasimadda Galmudug, iyagoo ku baaqay in laga wada shaqeeyo arrimaha dib u heshiisiinta, Amniga iyo inay dhankoooda ay ka qeyb qaadan doonaan horumarinta deegaaannada Galmudug .

Duqa Caasimadda Dhuusamareeb ee Galmudug mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda Qaorow oo ugu dambeyn xafladda ka hadlay oo ka mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey ayaa sharaxaad ka bixiyay horumarada ay ku talaabsatay Galmudug

“11 degmo cusub ayaa la meermariyay oo noqotay degmooyin Buuxa., waxaana ka howlgala Ciidamada booliska, waxaa kaloo la howlgeliyay xarunaha Caafimaadka ee Hooyada iyo dhalaanka degmooyinka Galmudug” ayuu yiri Duqa Caasimadda Galmudug

Cabdiraxmaan Geeda Qaorow ayaa xusay in sanadkan la dhisayo Jaamacadda Galmudug, isagoo intaa ku daray “33 xubnood oo dadka reer Galmudug ayaa i soo doortay oo ah dhamaan qeybaha dega Galmudug, waxaana lagu guulaystay in degmooyinka loo dhisay Gole deegaan”

Mudane Geeda Qorow ayaa Jaaliyadda ka dalbaday inay gacan ka geystaan dhismaha iyo horumarinta Caasimadda oo ay maalgashadaan Deegaanada Galmudug

Duqa CaasimaddaGalmudug Cabdiraxmaan Geeda Qaorow “Galmudug horumaro balaaran ayay ku talaabsatay sanadkan waxan rajeyneynaa inaan hirgelino mashaariic kale oo horumarineed”

Previous Post

NISA oo gacanta ku soo dhigtay Muxiyadiin Daqare oo ahaa gacanyaraha horjooge Axmed Diiriye

Next Post

Guddoomiye Sh. Aadan oo Ciidanka qalabka sida amray inay soo qabtaan gacan ku dhiiglayaal falal dil ah geystay

Next Post
Guddoomiye Sh. Aadan oo Ciidanka qalabka sida amray inay soo qabtaan gacan ku dhiiglayaal falal dil ah geystay

Guddoomiye Sh. Aadan oo Ciidanka qalabka sida amray inay soo qabtaan gacan ku dhiiglayaal falal dil ah geystay

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

January 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Shirka...

Wasiirka Wasaaradaha Awqaafta XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga.

Wasiirka Wasaaradaha Awqaafta XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga.

January 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Riyadh heshiis iskaashi kula saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga,...

Danab oo burburiyay Keydka Miinooyin oo Khawaariijtu ku lahaayeen Shabeellada Dhexe.

Danab oo burburiyay Keydka Miinooyin oo Khawaariijtu ku lahaayeen Shabeellada Dhexe.

January 29, 2026
0

Ururka 161-aad ee Kumaandooska Danab, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa ku guuleystay inuu gacanta ku dhigo keyd miinooyin ah oo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In