Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Caasimadda Galmudug oo soo dhaweyn loogu sameeyay Dalka Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Duqa Caasimadda Galmudug oo soo dhaweyn loogu sameeyay Dalka Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Galmudug ee dalka Kenya laguna soo dhaweynayay Duqa Caasimadda Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Cali Maxamed “Geedi Qorow ” isla markaana looga hadlayayy horumarinta Caasimadda ayaa waxaa ka qeybgalay Salaadiin, Ugaasyo, Odoyaasha dhaqanka, haween, dhallinyaro iyo marti sharaf kale oo xafladda soo dhaweynta ah lagu casuumay.

Cabdiqaadir Carab Diiriye oo ah Xiriiriyaha Galmudug iyo Bankiga Adduunka ayaa madasha ku soo bandhigay qorshaha maamulka ugu talalagay dib u habeynta Caasimadda,

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

July 14, 2026
Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

July 14, 2026

Qaar ka mid ah dadkii madasha ka hadlay ayaa tilmaamay inay ku faraxsanyihiin soo dhaweynta ay u sameynayaan Duqa Caasimadda Galmudug, iyagoo ku baaqay in laga wada shaqeeyo arrimaha dib u heshiisiinta, Amniga iyo inay dhankoooda ay ka qeyb qaadan doonaan horumarinta deegaaannada Galmudug .

Duqa Caasimadda Dhuusamareeb ee Galmudug mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda Qaorow oo ugu dambeyn xafladda ka hadlay oo ka mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey ayaa sharaxaad ka bixiyay horumarada ay ku talaabsatay Galmudug

“11 degmo cusub ayaa la meermariyay oo noqotay degmooyin Buuxa., waxaana ka howlgala Ciidamada booliska, waxaa kaloo la howlgeliyay xarunaha Caafimaadka ee Hooyada iyo dhalaanka degmooyinka Galmudug” ayuu yiri Duqa Caasimadda Galmudug

Cabdiraxmaan Geeda Qaorow ayaa xusay in sanadkan la dhisayo Jaamacadda Galmudug, isagoo intaa ku daray “33 xubnood oo dadka reer Galmudug ayaa i soo doortay oo ah dhamaan qeybaha dega Galmudug, waxaana lagu guulaystay in degmooyinka loo dhisay Gole deegaan”

Mudane Geeda Qorow ayaa Jaaliyadda ka dalbaday inay gacan ka geystaan dhismaha iyo horumarinta Caasimadda oo ay maalgashadaan Deegaanada Galmudug

Duqa CaasimaddaGalmudug Cabdiraxmaan Geeda Qaorow “Galmudug horumaro balaaran ayay ku talaabsatay sanadkan waxan rajeyneynaa inaan hirgelino mashaariic kale oo horumarineed”

Previous Post

NISA oo gacanta ku soo dhigtay Muxiyadiin Daqare oo ahaa gacanyaraha horjooge Axmed Diiriye

Next Post

Guddoomiye Sh. Aadan oo Ciidanka qalabka sida amray inay soo qabtaan gacan ku dhiiglayaal falal dil ah geystay

Next Post
Guddoomiye Sh. Aadan oo Ciidanka qalabka sida amray inay soo qabtaan gacan ku dhiiglayaal falal dil ah geystay

Guddoomiye Sh. Aadan oo Ciidanka qalabka sida amray inay soo qabtaan gacan ku dhiiglayaal falal dil ah geystay

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta ku saxiixday buugga...

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

July 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sweden Cabdikariin Maxamed ayaa booqasho tacsiyeed ku tagay Safaaradda Dowladda Qatar ee Stockholm,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

July 14, 2026
0

Islamabad, Pakistan – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta...

DfS oo Golaha ECOSOC ku soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhaqaalaha, amniga

DfS oo Golaha ECOSOC ku soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhaqaalaha, amniga

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdi Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa khudbad rasmi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In