Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),ayaa ka qeybgalay furitaanka Kulan Cilmiyeed loogu hadlaayo Dawlad-dhiska Soomaaliya Mawduuciisuna yahay “Casharradii shalay iyo tilmaamaha Mustaqbalka” oo ay soo qaban qaabiyeen Hey’adda Cilmi-baarista iyo Horumarinta Bariga Afrika ee DAD.
Dood cilmiyeedkaan oo ay isugu yimaadeen, Aqoonyahano isugu jira cilmi baarayaal iyo Barreyaal sare oo ka socda Jaamacadaha dalka ayaa labada Maalmood ee soo socota 22-23 ka doodi doonna Dawlad-dhiska dalka, si maskax shiil loogu sameeyo Casharradii shalay iyo tilmaamaha Muqstaqbalka.
Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa boogaadiyay isu imaatinka Aqoonyahanada Soomaaliyeed iyo in laga doodo Mustaqbalka Dawlad-dhiska Soomaaliya, si dib-u-eegis loogu sameeyay wixii lasoo maray iyo halka maanta loo socdo, asigoona ka rajeeyay dood cilmiyeedkaan in uu kasoo baxo Natiijo Dawlad-nimadeena saameen ku yeelata.