Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray wadada xiriirisa xarunta Beerta Nabada ilaa isbitaalka Martiini oo kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee burbursan, islamarkaana uu maamulka gobolka Banaadir dhawaan ka fulin doono mashruuc dib loogu dhisayo, si isticmaalkeeda ay uga faaβideestaan bulshada iyo gaadiidka. Inta uu kormeerka socday ayaa Guddoomiye Cumar Filish waxa uu faray maamulada degmooyinka Xamar Jajab iyo Xamar Weyne in ay qaataan kaalintooda ku aadan fududeenta dhismaha wadadaasi isagoo dhanka kale ka dhageestay warbixina quseeya caqabadaha jira. Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa horey u balan qaaday in maamulkiisa uu xooga saari doono dhismaha wadooyinka Caasimadda si kor loogu qaado bilicda iyo fududeenta isku socodka magaalada.
SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka
Guddoomiyaha Hayβadda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hayβadda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

















