Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa Maanta soo Xiray Barnamijka loogu magac daray Baro Dalkaaga, kaasi oo ka dhacay Degmada Hodan.
Barnaamijkaasi oo beryahaanba uga socday Magaalada Muqdisho Xubno ka kala socday Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Banaadir, ayaa intii uu socday lagu baranayay Tariikhda Sohdimaha Gobolada iyo Degmooyinka Dalka Soomaaliya, iyadoo uu soo qabanqaabiyay Guddiga Madaxa banaan ee xuduudaha dalka.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimacaale (Madaale) waxaa uu goobta ka sheegay in xiligaan la jooga dalka Soomaliyed ay ku mashquulan Afqalaad iyo wadan aan kooda aheyn.
“Marar badan waxaan arkay dad afkooda ka jecel afka qalaad iyagoo marka ay hadlaayan kusoo dara af kale oo aysan u dhalanin haddii aad dooneyso sharafkaaga iyo wadankaaga horumaro waa in aad marka hore dhowrta xaquuqda dalkaaga”, ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho.
Duqa Magaalada Muqdisho ayaa kula dardaarmay dadka reer Muqdisho in ay xoogga saraan horumarinta dalkooda hooyo.