Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho iyo Danjiraha Turkiga oo deeq u qaybiyay dadka qaba Baahiyaha gaarka ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 10, 2018
in Wararka
0
Duqa Muqdisho iyo Danjiraha Turkiga oo deeq u qaybiyay dadka qaba Baahiyaha gaarka ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, October 10, 2018—Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Safiirka Dawladda Turkiga Danjire Olgan Bekar ayaa deeq isugu jirta kuraas, biraha lagu socdo iyo ulaha indhoolayaasha u qeybiyey qaar kamid ah bulshada qabta baahiyaha gaarka ah.

 

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Deeqdan oo ay soo dhiibtay hay’adda IgEL oo ah hay’ad ay leeyihiin muwaadiniin Turkish ah oo ku nool dalka Switzerland ayaa waxaa ka faaiideystay 130 ruux.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa uga mahadceliyey Shacabka iyo Dawladda Turkiga gacanta walaaltinimo ee mar walba ay la garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed. Isagoo xusay in deeqdani ay wax badan tarayso dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Dawladda Turkiga iyo Shacabkeedaba sida ay xili walba u garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan gacan siinta bulshada nugul ee maanta ka faaiideysanaya deeqdan”.

Danjiraha Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Oglan Bekar ayaa sheegay in dawladdiisa ay ka go’an tahay taageerada Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay sii wadi doonaan deeqaha ay gaarsiinayaan qeybaha bulshada kuwooda nugul.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Dadka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo balan qaaday inay joogteynayaan la dagaallanka Al-Shabaab SAWIRRO”

Next Post

Maamul Degmadda Raage Ceelle oo ka hadlay Waxyaabaha u baahan yihiin Jabhadda Macawiisleyda “Dhageyso”

Next Post
Dadka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo balan qaaday inay joogteynayaan la dagaallanka Al-Shabaab SAWIRRO”

Maamul Degmadda Raage Ceelle oo ka hadlay Waxyaabaha u baahan yihiin Jabhadda Macawiisleyda "Dhageyso"

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In