Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo Ciidamadda Xasillinta kula dar-daarmay dar-dargelinta Sugidda Amniga Caasimadda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 7, 2018
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo Ciidamadda Xasillinta kula dar-daarmay dar-dargelinta Sugidda Amniga Caasimadda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 07 Maajo, 2018–Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in maamulkiisu uu si istaraatiijiyad ah ku wajahay amniga Caasimadda, iyadoo 17ka degmo ee G/Banaadir laga hirgeliyey wadashaqaynta laamaha ammaanka iyo maamulka.

Guddoomiya Yarisow ayaa xusay in ciidamada looga fadhiyo inay ka hortagaan falalka lidiga ku ah amaanka, gaar ahaana kuwa dhibaatada u maleegaya shacabka Soomaaliyeed, isagoo ka hadlayay kormeer dhiirigelin ah oo ay si wadajir ah ugu sameeyeen xarunta Ciidamadda Xasillinta Caasimadda, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre, Saraakiisha Ciidamadda iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in kalsooni laga kasbado shacabka ku nool goobaha howlgallada laga fulinayo, maadaama ay iaygu yihiin cidda loo adeegayo, isla markaana laga fogaado wax walba oo dhaawacaya wadashaqaynta ciidamadda iyo shacabka, lana dhowro Xuquuqal Insaanka.

“Caasimaddu si ay ula tartanto adduunka waxay u baahan tahay amni iyo xasillooni, amnigaas in ay keento waxa looga fadhinayana waa idinka hortayda taagan. Waxaana idiin-kaga mahadcelinayaa howllaha baxaadda leh ee aad ka qabateen amniga Muqdisho, welina waa inaad ogaataan cadowgu inuu dhibaato u maleegayo nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Duqa Caasimadda.

Mudane Eng. Yarisow ayaa kula dardaarmay ciidamadda in kor loo sii qaado sugida amniga Caasimadda, shacabka Soomaaliyeedna ay helaan ammaan buuxa si noloshu caadi ugu socoto waqtiyada lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadan. “Waa in qof walba amni ku helaa gurigiisa kalsoonina ku noolaado, si aad taasi u suurtagelisaana anaguna waxaan nahay garbihiina”.

—DHAMMAAD—

Previous Post

Guulaha Ciyaaraha Soomaaliya Oo Sii Kordhaya

Next Post

DAAWO: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kormeeray ciidan loo diyaariyay xasilinta amniga caasimadda

Next Post
DAAWO: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kormeeray ciidan loo diyaariyay xasilinta amniga caasimadda

DAAWO: Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kormeeray ciidan loo diyaariyay xasilinta amniga caasimadda

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In