Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo dib ugu soo celiyey Gurigooda qoys danyar ah+Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo dib ugu soo celiyey Gurigooda qoys danyar ah+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ku qaabilay xafiiskiisa qoys danyar ah oo gurigooda si xoog ah damcay in looga saaro.

Qoyskan ayaa ka cabanayey takrifal ay u gaysteen shakhsiyaad doonaya in ay si sharci darro ah ula wareegaan guriga qoyskan.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Guddoomiyaha Gobolka oo dhageystay cabashada qoyskan ayaa u xaqiijiyey in gurigooda aan cidna xoog uga saari karin una ballanqaaday in loo dayactirayo gurigooda oo uu maamulka Gobolka Banaadir amnigooda sugayo.

Duqa Muqdisho ayaa Xeer Ilaalinta Qaranka u gudbiyey shakhsiyaadka lagu eedeeyey inay jir-dil u geysteen qoyska iyo hanjabaad, si loo hor geeyo Maxkamadda Gobolka Banaadir, sharcigana lala tiigsado shaqsiyaadkan la soo eedeeyey.

Guddoomiye Yarisow waxaa uu Laanta Danbi Baarista Booliska Soomaaliyeed (C.I.D) ku wargeliyey in ay baaritaan ku sameeyaan waxyeellada nafeed iyo hantiyeed ee loo goystay qoyskan, sharcigana la hor keeno dhammaan ciddii ku lug yeelata tabashooyinka ay sheeganayaan.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu faray Maamulka Degmada Xamar Weyne in ay sugaan amniga qoyskan, muddada uu baaritaanku socdo, maadama ay soo gudbiyeen jirdil iyo handadaad horey loogu geystay.

Duqa Muqdisho ayaa xaqiijiyey in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay ilaalinta sharciga iyo caddaladda bulshada, lagana hortagayo cid walba oo doonaysa in ay ku xad-gudubto hantida muwaadiniinta.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta C/qaadir Maxamed Nuur “Jaamac” u magacaabay la-taliye sare oo ka tirsan Xafiiska Guddoomiyaha

Next Post

Wasiirka arrimaha dibadda XFS iyo Safiirka Qadar ee Soomaaliya oo wadajir u dhagax dhigay dib u dhiska machadkii Diplomaasiyadda+sawirro

Next Post
Wasiirka arrimaha dibadda XFS iyo Safiirka Qadar ee Soomaaliya oo wadajir u dhagax dhigay dib u dhiska machadkii Diplomaasiyadda+sawirro

Wasiirka arrimaha dibadda XFS iyo Safiirka Qadar ee Soomaaliya oo wadajir u dhagax dhigay dib u dhiska machadkii Diplomaasiyadda+sawirro

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In