Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo furay xafiiska diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo furay xafiiska diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dawladda hoose ee Xamar ayaa billowday diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya Muqdisho.

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskii ugu horreeyey ee lagu diiwaangelinayo Gaadiidka Dadweynaha ka furay degmada Hodan, isagoo sheegay in ilaa shan degmo oo ka tirsan Caasimadda laga hirgelin doono barnaamijkan.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

“Maanta waxaan degmada Hodan ka furaynaa xafiiskii ugu horeeyey ee lagu diiwaangelinayo gaadiidka Bajaajta iyo BL-ka, ujeedada diiwaangelintan ka dambaysaana waa si ay cashuurta dawladda hoose sare ugu kacdo oo ay u kobocdo, si waxqabad loogu sameeyo, ujeedada labaadna waa in amniga lagu sugo, tani waa bilow waxaana diiwaangelintu gaari doontaa ilaa shan degmo inta kalana waa xigi doonaan.”Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in hawsha lagu tiro-koobayo gaadiidka dadweynaha ee isticmaala waddooyinka Caasimadda ay muhiim u tahay amniga iyo horumarka magaalada, isagoo ugu baaqay gaadiidleyda in kaalintooda ay ka qaataan, iskana diiwaangeliyaan degmooyinkooda, si xaaladdooda loola socdo mar walba maadaama ay bulshada u adeegayaan.

“Inagoo ka duulayna siyaasadda aan u dajinay gaadiidka waxaan go’aansanay in tiro-koobka loogu horraysiiyo gaadiidka dadweynaha, kuwa gaarka loo leeyahayna waanu tiro-koobi doonaa insha allah, habka aanu wax ku tiro koobaynaana waa hannaan awood inoo siinaya in wax walba ay maraan dariiq cad oo lagu wada xisaabtamayo.”Ayuu raaciyey Duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan.

Munaasabadda xariga looga jarayay Xafiiska Diiwaangelinta Gaadiidka dadweynaha ee BL iyo Bajaajta ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Degmada Hodan Mudane Maxamed Axmed Cantoobo iyo masuuliyiin ka tirsan waaxda gaadiidka Gobolka Banaadir.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeeray Dugsiga tababarka ee Jeneraal Goordan “SAWIRRO”

Next Post

Duqa Muqdisho oo tartan Isports ka furay degmada Heliwaa+Sawirro

Next Post
Duqa Muqdisho oo tartan Isports ka furay degmada Heliwaa+Sawirro

Duqa Muqdisho oo tartan Isports ka furay degmada Heliwaa+Sawirro

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In