Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo Haweenka Soomaaliyeed ku ammaanay kaalinta ay ka qaataan Horumarka Bulshada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo Haweenka Soomaaliyeed ku ammaanay kaalinta ay ka qaataan Horumarka Bulshada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo kaga qeyb galay Munaasabadda Maalinta Haweenka Adduunka 8-da Marso ayaa ku ammaanay Haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan Haweenka Gobolka Banaadir dadaalka ay geliyeen dib u dhiska dalka.

 

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrimaha dib u heshiisiinta iyo darisaynta bulshada Caasimadda ay laf dhabar u yihiin Haweenku, taas oo muujinaysa mudnaanta Maamulka Gobolka Banaadir ay siinayaan xoojinta doorka Haweenka ee ku aaddan ka qeyb galka siyaasadda iyo arrimaha bulshada.

Eng.Yarisow ayaa uga mahadceliyey hooyooyinka Gobolka Banaadir sida ay dhexda ugu xirteen hirgalinta iyo kamira dhalinta Barnaamijka Isxilqaan ee dib loogu dhisayo Caasimadda.

Guddoomiyaha oo tilmaamay doorka haweenku ay ku leeyihiin amniga Gobolka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab ayaa tacsiyeeyey geerida haweenka Soomaaliyeed ee ku shahiiday iyagoo ka shaqeynayey bilicda iyo faya dhawrka Caasimadda, kuwaas oo weerarada argagixisada Alshabaab ay ku beegsadeen ay muujinayso cadaawadda ay u qabaan dhammaan qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa ku wareejiyey Haweenka 17ka Degmo ee Gobolka qalabka kala duwan oo ku maareeyaan noloshooda, isagoo xariga ka jaray xarunta farsamada gacanta oo Dumarka Soomaaliyeed ay ku kobcinayaan xirfadahooda wax soo saar.

Eng.Yarisow ayaa balan qaaday in Maamulka Gobolku uu kordhinayaan qondada shaqaaleysiinta haweenka, mudnaan gaar ahna la siinayo ilaalinta xuquuqdooda iyo kobcinta tayadeedo shaqo.

Previous Post

Xubnaha labada Gole ee dowladda oo ka tacsiyadeeyey geerida Marxuum Cabdi Xoosh JIbriil

Next Post

Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay dadkii ku jiray guri xalay qarax ka dhacay “SAWIRRO”

Next Post
QM oo bogaadisay sida laamaha ammaanka Soomaaliya ay ula tacaaleen weerarradii ka dhacay Muqdisho

Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay dadkii ku jiray guri xalay qarax ka dhacay "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In