Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay Ololaha Nadaafadda ee Isxilqaan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay Ololaha Nadaafadda ee Isxilqaan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Magaalada Muqdisho in ay ka qeyb-qaataan dib-u-dhiska iyo bilicda dalkooda, si looga maarmo gacmo shisheeye, dibna loogu soo celiyo bilicdii ay caanka ku ahayd Muqdisho.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Guddoomiyaha oo ka qeyb-galay Olole Nadaafadeed laga sameeyey Degmooyin kamid ah Muqdisho ayaa tilmaamay in meel wanaagsan uu marayo barnaamijka Isxilqaan ee horey ugu dhawaaqay Madaxweynaha Jahmhuuriyadda, isla markaana laga nadiifiyey geedihii iyo qashinkii yaalay Garoonka Cayaaraha ee Muqdisho.

Sidoo kale Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa faray maamullada Degmooyinka iyagoo kaashanaya shacabka in ay dardargeliyaan barnaamijkan, si loo soo celiyo quruxda iyo bilicda ay ku tilmaamnayd caasimaddu.

“Ololahan Nadaafadeed waxuu qeyb ka yahay barnaamijka Isxilqaan ee lagu dhiirigelinayo howlaha bilicda, faya-dhowrka iyo dib-u-dhiska goobaha muhiimka ah, waana barnaamij ujeedkiisu yahay gacantaada ku dhiso dalkaaga ee uu horey Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ugu dhawaaqay.”

Duqa Muqdisho ayaa kula dardaarmay Isxilqaamayaasha maanta qeybta ka ahaa Ololahan Isxilqaan in ay hormuud ka noqdaan ka qeyb qaadashada barnaamijyada dib loogu dhisayo dalka, isagoona tilmaamay in ay waajib ku tahay in ay tusaale wanaagsan u noqdaan shacabka Soomaaliyeed si ay dalkooda u dhistaan.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kormeer ku tagey qaar kamid ah Ganacsiyada ku yaalla hareeraha waddooyinka, isagoo ku dhiirigeliyey dadaalkooda ku aaddan dib-u-dhiska dalka iyo u adeeggidda Shacabka Soomaaliyeed

–DHAMMAAD–

Previous Post

Dib u howlgelinta Isbitaalka Xudur oo halsano jirsatay “SAWIRRO”

Next Post

Akhriso: Liiska magacyada Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Puntland

Next Post
Doorashada Aqalka Hoose oo goordhaw ka bilaabaneysa magaalada Garoowe

Akhriso: Liiska magacyada Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Puntland

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In