Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay Ololaha Nadaafadda ee Isxilqaan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay Ololaha Nadaafadda ee Isxilqaan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Magaalada Muqdisho in ay ka qeyb-qaataan dib-u-dhiska iyo bilicda dalkooda, si looga maarmo gacmo shisheeye, dibna loogu soo celiyo bilicdii ay caanka ku ahayd Muqdisho.

 

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Guddoomiyaha oo ka qeyb-galay Olole Nadaafadeed laga sameeyey Degmooyin kamid ah Muqdisho ayaa tilmaamay in meel wanaagsan uu marayo barnaamijka Isxilqaan ee horey ugu dhawaaqay Madaxweynaha Jahmhuuriyadda, isla markaana laga nadiifiyey geedihii iyo qashinkii yaalay Garoonka Cayaaraha ee Muqdisho.

Sidoo kale Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa faray maamullada Degmooyinka iyagoo kaashanaya shacabka in ay dardargeliyaan barnaamijkan, si loo soo celiyo quruxda iyo bilicda ay ku tilmaamnayd caasimaddu.

“Ololahan Nadaafadeed waxuu qeyb ka yahay barnaamijka Isxilqaan ee lagu dhiirigelinayo howlaha bilicda, faya-dhowrka iyo dib-u-dhiska goobaha muhiimka ah, waana barnaamij ujeedkiisu yahay gacantaada ku dhiso dalkaaga ee uu horey Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ugu dhawaaqay.”

Duqa Muqdisho ayaa kula dardaarmay Isxilqaamayaasha maanta qeybta ka ahaa Ololahan Isxilqaan in ay hormuud ka noqdaan ka qeyb qaadashada barnaamijyada dib loogu dhisayo dalka, isagoona tilmaamay in ay waajib ku tahay in ay tusaale wanaagsan u noqdaan shacabka Soomaaliyeed si ay dalkooda u dhistaan.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kormeer ku tagey qaar kamid ah Ganacsiyada ku yaalla hareeraha waddooyinka, isagoo ku dhiirigeliyey dadaalkooda ku aaddan dib-u-dhiska dalka iyo u adeeggidda Shacabka Soomaaliyeed

–DHAMMAAD–

 

Previous Post

Dib u howlgelinta Isbitaalka Xudur oo halsano jirsatay “SAWIRRO”

Next Post

Akhriso: Liiska magacyada Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Puntland

Next Post
Doorashada Aqalka Hoose oo goordhaw ka bilaabaneysa magaalada Garoowe

Akhriso: Liiska magacyada Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Puntland

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In