Friday, August 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo kormeeray dadkii ku dhaawacmay Xarunta Gobolka Banaadir 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo kormeeray dadkii ku dhaawacmay Xarunta Gobolka Banaadir 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo safar shaqa ugu maqnaa Dalka Kuwait ayaa maanta si deg deg ah ugu soo noqday Magaalada Muqdisho si uu ugu kuurgalo dhibaatadii ka dhacday xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar oo ay dad ku wax yeeloobeen.

Guddoomiye Madaale oo ay wehlinaayan Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda iyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaada Gobolka Banaadir, ayaa ugu horeyn booqday Isbitaalka Erdogan Ex-Digfeer oo lagu daweynayo dadkii kusoo wax yeeloobay dhibaatadii ka dhacday Xarunta Gobolka Banaadir, isagoo u rajeeyay in uu ilaaheey Caafimaad deg deg siiyo.

Related posts

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

August 20, 2026
Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

August 20, 2026

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa sidoo kale kormeeray xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar oo ah goobtii ay weerarka kusoo qaadeen dhagar qabayaal katirsan Khawaarijta, kuwaas oo daqiiqada kooban gudahooda ay toogteen Ciidanka Amniga.

Ugu dambeyn Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Kulan gaar ah oo, isugu jiray Tacsiyeen, iyo Mahadcelin ku aadan gurmadkii la fidiyay la qaatay Guddoomiye ku-xigeenada Gobolka saraakiisha Amniga, Aggaasimayaal iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka.

Previous Post

Madaxweynaha Jubaland oo xariga ka jaray Wasaaradda Caafimaadka

Next Post

Madaxweynaha Mareykanka oo ergey gaar ah u magacaabay Kuuriyada Waqooyi

Next Post
Madaxweynaha Mareykanka oo ergey gaar ah u magacaabay Kuuriyada Waqooyi

Madaxweynaha Mareykanka oo ergey gaar ah u magacaabay Kuuriyada Waqooyi

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

August 20, 2026
0

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS ahna ergayga u qaabilsan Soomaaliya Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC), Mudane...

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

August 20, 2026
0

Maareeye Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiraxmaan Saciid ayaa ka qaybgalay Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Qaybqaadanaysa diyaarinta Warbixinta Waxqabadka Qaranka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Qaybqaadanaysa diyaarinta Warbixinta Waxqabadka Qaranka

August 20, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS Mudane Hamza Haadoow, ayaa maanta kormeer ku...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

August 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa khudbad uu uga hadlayay horumarka Warbaahinta ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In