Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray xaruma ay kamid yihiin Biyaasa Liibaro iyo xarunta Sheybaarka Dhisma dowlada hoose Xamar.
Ujeedka kormeerka ayaa ahaa mid uu duqa magaalada Muqdisho uu ugu kuur galaaye bilicda Caasimadda iyo howlaha muhiimka ah oo ay xarumahaasi bulshada u haayan.
Guddoomiyaha ayaa inta uu kormeerka kujiray waxa uu faray Guddoomiyaasha degmooyinka Gobalka Banaadir in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan ilaalinta nadaafada iyo bilicda Caasimada.