Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo ku baaqay in loo gurmado Barakacayaasha ku nool Caasimadda “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo ku baaqay in loo gurmado Barakacayaasha ku nool Caasimadda “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xarunta Dawladda Hoose ee Xamar ku qabtay Munaasabad lagu xusayay maalinta Qaxootiga Adduunka.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyeha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka hadlay munaasabadda ayaa ugu baaqay guud ahaan dhinacyadii ka soo qeyb galay in loo istaago daryeelka qaxootiga ku nool Caasimadda oo tiradooda lagu sheegay in ka badan nus-milyan qof.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Eng. Yarisow ayaa sheegay in Maamulkiisu uu diyaariyey Siyaasadda Barakacayaasha oo gundhiggeedu yahay in muddo afar sano ah lagu deegaameeyo baracayaasha si ay bulshadooda ula mid noqdaan, looguna helo qorshe ay nolol maalmeedkooda ku sameystaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay hay’adaha gar-gaarka in la awood siiyo Dawladaha Hoose oo gacan buuxda ka geysan kara xalka la raadinayo, maadaama ay aad ugu dhow yihiin kana warqabaan baahida kala duwan ee Qaxootiga.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Dawladaha Hoose ay ahmiyad gaar ah u leeyihiin sidii xal-waara loogu heli lahaa barakacayaasha, isagoo xusay in uu yahay qofkii ugu horreeyey ee ka socda Caasimadaha Afrika ee saxiixa heshiis lagu taageerayo qaxootiga Adduunka.

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay in barakacayaasha intooda badan ay deegaankoodii kasoo wadeen colaado, taas oo qasabtay qaxootino, waxuna ka codsaday hay’adaha gar-gaarka in si dhow loo daryeelo barakacayaasha ku nool Caasimadda.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gargaarka XFS, Xoghayaha Jootada Wasaaradda arrimaha Gudaha, Guddoomiye ku-xigeennada Gobolka banaadir, madaxda Hay’adda Qaxootiga Adduunka u qaabilsan QM (UNHCR), Safiiro, iyo saraakiil kala duwan oo ka socday hay’adaha Dawladda Federaalka.

Previous Post

Somalia’s electoral officials undergo training on electoral security

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay ka mid noqoshada JFS ee Cahdiga Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Naafada

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay ka mid noqoshada JFS ee Cahdiga Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Naafada

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay ka mid noqoshada JFS ee Cahdiga Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Naafada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In