Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho Oo Ku Baaqay In Loo Midoobo La Dagaallanka Argagixisada Al-Shabaab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho Oo Ku Baaqay In Loo Midoobo La Dagaallanka Argagixisada Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho u tagay sidii uu halkaasi ugu soo dhaweyn lahaa isla markaana xanuunka uu ula qeybsan lahaa dhaawacyada dadkii kusoo waxyeeloobay Qaraxyadii maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo lasoo gaarsiiyay Magaalada Muqdisho si loola tacaalo xaaladooda caafimaad.

Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa si kulul u cambaareeyay Weerarkii Qaraxyada ahaa ee maanta ka dhacay Beledweyne “Falalka bahalnimada ah oo ay geysanayaan kooxaha Argagisada ma noqon doonno mid niyad jabiya Kacdoonka Shacab iyo midka Ciidankeena geesiyaasha ah ee dagaalka kula jira kooxaha Argagixisada, Reer Hiiraan waxaa aynu la qeybsaneenaa dhibta iyo xanuunka, waxaan leenahay Allaha ha idin la jiro, anagana mar weliba waxaan nahay garabkiina”. Ayuu yiri Duqa Muqdisho oo dhaawacyadii laga keenay Beledweyne geeyay xarumaha Caafimaadka.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada dadkii naftooda ku waayay weerarkii maanta ka dhacay Beledweyne, waxuuna Allaha uga baryey caafimaad deg-deg ah in uu siiyo dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadaasi.

Ugu danbeyn waxa uu shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ugu baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Argagixisada, isla markaana Ciidanka Qaranka lagu garabsiiyo sidii guud ahaan dalka loogu xoreyn lahaa Kooxaha ciribtiraayo kooxaha xagjirka  ee banneystay nafta, maalka iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed.

Previous Post

Cabdisamad Oo Ka Tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab Oo Isku Soo Dhiibay Ciidanka Xoogga

Next Post

Soomaaliya iyo Sweden oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood+Sawirro

Next Post
Soomaaliya iyo Sweden oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood+Sawirro

Soomaaliya iyo Sweden oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood+Sawirro

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In