Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa kulan casho sharaf ah la qaatay qaar ka mid ah dhallinyarada sida isxilqaanka ah uga shaqeeyo Nadaafada guud ee xeebaha Magaalada Muqdisho.
Duqa Muqdisho ayaa ugu mahadceliyay dhallinyarada shaqada wanaagsan oo ay caasimada ka hayaan, asigoona xusay in muwaadin weliba ay waajib ka saaran tahay in doorkiisa uu ka qaato bad-baadinta bay’adda iyo horumarka Magaalada.
Casho sharafta waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Safiir Kuxigeenka Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Ciraaq, Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada, Agaasimaha Guud ee Nadaafada iyo marti sharaf kale.
Dhallinyaradaan ayaa ah kuwo iskood isku saaray waajibaad ka baxshan nolol maad meedkooda,ay ugu adeegayaa dalkooda maalmaha nashada sida jimcaha oo kale.
Nadaafada waa qeyb immaanka kamid ah,Sidaas darteed qofkasto waxaa waajib ku ah inow qeyb ka noqdo nadaafada,Si loo helo degaan wada nadiif ah.