Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo Kulan la yeeshay Madaxda Dugsiga Farsamada Gacanta iyo Jaamacadda Bern ee dalka Switzerland “Sawirro”

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo Kulan la yeeshay Madaxda Dugsiga Farsamada Gacanta iyo Jaamacadda Bern ee dalka Switzerland “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo weli ku guda jira booqashadii uu ku joogay dalka Switzerland ayaa kulan mihiim ah la qaatay Madaxda Dugsiga Farsamada gacanta iyo Technology-ga ee Bern oo uu kala hadlay siddii ay gacan uga geysan lahaayeen soo nooleynta Dugsiyadii Farsamada gacanta Muqdisho.

Eng.Yarisow ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in dib loo soo nooleeyo dugsiyadii farsamada gacanta ee dadka Soomaaliyeed lagu bari jiray xirfadaha kala duwan, isla markaana kaalinta wanaagsan ka qaadan jiray wax-soo saarka, aqoonta bulshada iyo Shaqo abuurka.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

“Farsamada Gacantu waa shaqada ugu badan ee ay xoogsatada adduunka ku nool ku shaqeystaan, waana meesha kaliya ay dalalka dunida ku kala horumareen, anaguna waxaan xoogga saareynaa sidii ay dhalinyarada ku nool Gobolka Banaadir u noqon lahaayeen kuwa leh xirfado kala duwan oo noloshooda ku maareystaan, maadaama ay guud ahaan dalka %70 dhalinyaro yihiin”.

Sidoo kale Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa booqday Jaamacadda Bern, iyadoo uu halkaas ku soo dhaweeyey Prof. Sonja Vogt oo ah barre iyo Cilmi bare dhinaca horumarinta, waxuna kala hadlay sidii ay kaalin uga geysan lahaayeen horumarinta Jaamacadaha ku yaalla Caasimadda Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa inta uu ku sugan yahay Bern waxa uu kulammo la yeelan doonaan hay’adaha kala duwan ee dalkaas, isagoo u soo bandhigi doona fursadaha maalgashiga u baahan iyo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarinta kaabayaasha kala duwan ee Caasimadda Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb-galay Xuska 75-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed+Sawirro

Next Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo tababar u furay shaqaale ka tirsan wasaaradda iyo hay’adaha kale ee dowladda+sawiro

Next Post
Wasiirka Warfaafinta XFS oo tababar u furay shaqaale ka tirsan wasaaradda iyo hay’adaha kale ee dowladda+sawiro

Wasiirka Warfaafinta XFS oo tababar u furay shaqaale ka tirsan wasaaradda iyo hay’adaha kale ee dowladda+sawiro

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In