Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo la Kulmay Madaxda London”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Duqa Muqdisho oo la Kulmay Madaxda London”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo safar shaqo ku jooga magaalda London ee wadanka Ingiriiiska ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Magaalada London.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Xuseen yuusuf Jimcaale iyo wafdigii uu hogaaminayay waxay kulan gaar ah oo ay albaabadu u xiran yihiin la qaateen ku xigeenka duqa magaalada London Mudane Roger Evans oo ah Kusimaha Duqa Magaalada London, iyo saraakiil sare oo ka tirsan maamulka magaalada London,

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026

Waxaana laga wada hadlay qorshe lagu mantaaneeynaayo labada magaaalo ee London iyo Muqdisho iyo sidii la iskaga kaashan lahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo dhinacyada amniga, iyo in magaalada Muqdisho laga kaalmeeyo kaabayaasha dhaqaale ee lagama maarmaan ka u ah in Muqdisho ay isku filnaato dhanwalba.

Mudane Roger Evans iyo maamulkiisuba waxa aay muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin wax wada qabsiga iyo iskashiga labada dhinac iyo gacansiinta Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Booliska magaaladaaasi kuwaas oo iyana ay kala hadleen sidii kaalintooda ay uga qaadan lahaayeen gacan siinta Booliska Muqdisho.

Dhanka kale Duqa magalada Muqdisho, waxa uu la kulmay madax sare oo ka socota labada wasaaradood ee kala ah Wasaarda Arimaha Dibada iyo Wasaarada iskaashiga caalamiga ah, waxyna ka wada hadleen ,howlaha iyo wadashaqeeynta ka dhexeeysa maamulka gobolka Banaadir iyo labadaan wasaaradood,

Waxeyna wasaaradahaan, warbixin guud ka siiyeen Duqa magaalada muqdisho howlaha 2016 ay ka saacidayaan maamamulka Gobolka Banaadir si uu u gutto maamulka gobolka hawlihii loo Igmaday.

Gudoomiyahan Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalda Muqdishu, Mudane Yusuf Xuseen Jimcaale waxa uu isagana dhankiisa warbixin faahfaahsan ka siiyay strategiyada maamulkiisa cusub uu ugu talo galay 2016 inuu ku maareeyob arimaha sugitaanka amniga, horumarinta adeegyada aay bixiso dowlada hoose ee Muqdisho iyo baahinta maamulka Gobolka Banaadir.

Kulaman is daba jooga ah waxaa ugu danbeeyn ka soo baxay is afgarad buuxa iyo iskaashi labada dhinac ah.

Wasaarada Iskaashiga Caalamiga ah waxa ay balanqaaday in marka aay u dhamaato dib u eegista ay ku qiimeeyneeyso siyaasadeeda ku wajahan horumarinta caalamiga ah, in aay mudnaan gaar ah siineeyso mashaariicda horumarinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee magaalada muqdisho.

Kulamadaan is daba jooga ah waxaa ugu danbeeyn ka soo baxay is afgarad buuxa iyo iskaashi labada dhinac ah.

hhh1 Untitled Untitled.pngbk Untitled.pnghhh

Previous Post

Ciiamada ammaanka ee Galmudug oo gacanta ku dhigay maleeshiyaad jidgooyo dhiganayay

Next Post

Wasaaradda Maaliyadda oo Shacabka la qaybsatay dood ku saabsan Miisaaniyadda 2016

Next Post
Wasaaradda Maaliyadda oo Shacabka la qaybsatay dood ku saabsan Miisaaniyadda 2016

Wasaaradda Maaliyadda oo Shacabka la qaybsatay dood ku saabsan Miisaaniyadda 2016

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa deeq gargaar raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo nugul oo ku nool magaalada...

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026
0

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta amniga...

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In