Wednesday, December 31, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo la Kulmay Madaxda London”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Duqa Muqdisho oo la Kulmay Madaxda London”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo safar shaqo ku jooga magaalda London ee wadanka Ingiriiiska ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Magaalada London.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Xuseen yuusuf Jimcaale iyo wafdigii uu hogaaminayay waxay kulan gaar ah oo ay albaabadu u xiran yihiin la qaateen ku xigeenka duqa magaalada London Mudane Roger Evans oo ah Kusimaha Duqa Magaalada London, iyo saraakiil sare oo ka tirsan maamulka magaalada London,

Related posts

Madaxweynaha JFS oo mar kale ka hadlay faragelin Israa11l ee madax-bannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS oo mar kale ka hadlay faragelin Israa11l ee madax-bannaanida Soomaaliya.

December 31, 2025
Dibadbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo lagu wado inay ka dhacaan gobolka Hiiraan.

Dibadbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo lagu wado inay ka dhacaan gobolka Hiiraan.

December 31, 2025

Waxaana laga wada hadlay qorshe lagu mantaaneeynaayo labada magaaalo ee London iyo Muqdisho iyo sidii la iskaga kaashan lahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo dhinacyada amniga, iyo in magaalada Muqdisho laga kaalmeeyo kaabayaasha dhaqaale ee lagama maarmaan ka u ah in Muqdisho ay isku filnaato dhanwalba.

Mudane Roger Evans iyo maamulkiisuba waxa aay muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin wax wada qabsiga iyo iskashiga labada dhinac iyo gacansiinta Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Booliska magaaladaaasi kuwaas oo iyana ay kala hadleen sidii kaalintooda ay uga qaadan lahaayeen gacan siinta Booliska Muqdisho.

Dhanka kale Duqa magalada Muqdisho, waxa uu la kulmay madax sare oo ka socota labada wasaaradood ee kala ah Wasaarda Arimaha Dibada iyo Wasaarada iskaashiga caalamiga ah, waxyna ka wada hadleen ,howlaha iyo wadashaqeeynta ka dhexeeysa maamulka gobolka Banaadir iyo labadaan wasaaradood,

Waxeyna wasaaradahaan, warbixin guud ka siiyeen Duqa magaalada muqdisho howlaha 2016 ay ka saacidayaan maamamulka Gobolka Banaadir si uu u gutto maamulka gobolka hawlihii loo Igmaday.

Gudoomiyahan Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalda Muqdishu, Mudane Yusuf Xuseen Jimcaale waxa uu isagana dhankiisa warbixin faahfaahsan ka siiyay strategiyada maamulkiisa cusub uu ugu talo galay 2016 inuu ku maareeyob arimaha sugitaanka amniga, horumarinta adeegyada aay bixiso dowlada hoose ee Muqdisho iyo baahinta maamulka Gobolka Banaadir.

Kulaman is daba jooga ah waxaa ugu danbeeyn ka soo baxay is afgarad buuxa iyo iskaashi labada dhinac ah.

Wasaarada Iskaashiga Caalamiga ah waxa ay balanqaaday in marka aay u dhamaato dib u eegista ay ku qiimeeyneeyso siyaasadeeda ku wajahan horumarinta caalamiga ah, in aay mudnaan gaar ah siineeyso mashaariicda horumarinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee magaalada muqdisho.

Kulamadaan is daba jooga ah waxaa ugu danbeeyn ka soo baxay is afgarad buuxa iyo iskaashi labada dhinac ah.

hhh1 Untitled Untitled.pngbk Untitled.pnghhh

Previous Post

Ciiamada ammaanka ee Galmudug oo gacanta ku dhigay maleeshiyaad jidgooyo dhiganayay

Next Post

Wasaaradda Maaliyadda oo Shacabka la qaybsatay dood ku saabsan Miisaaniyadda 2016

Next Post
Wasaaradda Maaliyadda oo Shacabka la qaybsatay dood ku saabsan Miisaaniyadda 2016

Wasaaradda Maaliyadda oo Shacabka la qaybsatay dood ku saabsan Miisaaniyadda 2016

Madaxweynaha JFS oo mar kale ka hadlay faragelin Israa11l ee madax-bannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS oo mar kale ka hadlay faragelin Israa11l ee madax-bannaanida Soomaaliya.

December 31, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale si cad u sheegay in aan la aqbali karin...

Dibadbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo lagu wado inay ka dhacaan gobolka Hiiraan.

Dibadbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo lagu wado inay ka dhacaan gobolka Hiiraan.

December 31, 2025
0

Qaban-qaabada isu-soo-baxyo ballaaran oo lagu taageerayo midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana looga soo horjeedo faragelinta cad ee...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Somalia reaffirms its firm and principled position in support of the sovereignty, unity and territorial integrity of the Republic of Yemen

December 31, 2025
0

The Federal Republic of Somalia reaffirms its firm and principled position in support of the sovereignty, unity, security, stability, and...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo soo bandhigay natiijada kuraasta la kala helay

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo soo bandhigay natiijada kuraasta la kala helay

December 30, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed Xasan ayaa ku dhawaaqay natiijada guud ee kuraasta ay kala heleen 20-ka urur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In