Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan horumarrinta bulshada la qaatay madaxda Ururada Bulshada Rayidka.
Kulankan oo uu goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) ayaa qodabadii looga hadlay waxaa kamid ahaa sidii ururada Bulshada ay Maamulka Gobolka ugu garab istaagi lahaayeen Amniga, Bilicda Caasimadda iyo in si wadajir looga shaqeeyo xalinta caqabadaha bulshada heysato.