Thursday, October 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

SONNA oo maanta 59 jirsatay iyo Wasiirka warfaafinta oo hambalyo udiray

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
SONNA oo maanta 59 jirsatay iyo Wasiirka warfaafinta oo hambalyo udiray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wakaaladahaa wararka waa heyโ€™addo u xilsaaran ,ururita iyo habeynta wararka iyo guud ahaan raadintaย  macluuumaadka kale ee loo gudbiyo bulsho weynta caalamka, waxayna wakaaladuhu u qeybsamaan kuwo caaalami ah iyo kuwo dowli ah.

Wakaaladaha wararka ee caalamiga ah waa kuwo xirfad ahaan ku shaqeysta warbaahinta, waxayna leeyihiin macaamiil ay ka iibsadaan wararka,sida wargeysyada, Idaacadaha iyo taleefidhinada, waxaana kamid ah afarta wakaaladood ee ugu caansan sida,- AFP, Associated Press (AP), Reuters iyo United Press.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐š๐๐๐ž๐ฑ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Waakaaladaha wararka ee dowliga ah,badanaa waxaa gacanta ku haya xukuumadaha ,waxayna ku hadlaan afka dowladda, iyagoo gudbiya wararka caadiga ah iyo siyaasadaha dowladaha

Dhammaan Wakaaladaha waxa ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa kalsoonida dadka, loogana fogaan lahaa wararka beenta ah,iyagoo Xogta saxda ah ee muuqaalada dhacdooyinka u gudbiya qaabab kala duwan oo ay ka mid yihiin hab ganacsi.

Wakaaladaha wararka waxaa loo tixgeliyaa in ay yihiin adeeg wareed (news wire), kuwaas oo wadaaga dhaqan ahaan masuuliyad macquul ah oo tilmaameysa in helitaanka wararka iyo dhacdooyinka loo tiiriyo ama loo nisbeeyo afhayeen ama ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo.

Haddana,Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa dowliga ah waxay maanta u dabbaaldageysaa xuska sanadguurada 59-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Wakaaladda Wararka SONNA.

Wakaaladda SONNA, waxaa la aasaasay 5-tii Janaayo ee sanadkii 1964-tii waana mid ka mid ah Tiirararka ugu weyn ee ay ku faanto wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya .

Dhismaha Wakaaladda ayaa yimid xilli ay dalka ka jireen 2- Idaacadood oo kala ahaa:- Raadiyo Hargeysa oo la furay 1943-dii iyo Raadiyo Muqdisho oo la furay 1951-kii,kuwaas oo wax ku gudbin jiray dhowr luqadood oo ay fahmi kareen tiro aad u yar oo Soomaali ah.

Wakaaladda Wararka SONNA waa heyโ€™ad ka mid ah warbaahinta oo u xilsaaran ururinta wararka gudaha iyo dibadda, xaqiijinta dhacdooyinka iyo bixinta akhbaraadka ay u baahan yihiin raadiyaha, telefishanka, wargeyska iyo bogagga Websaydyada ee baraha bulshada.

Marka loo eego Howsha Wakaaladda SONNAย  waa warbaahin shaqeysa 24-saac oo xiriir ah, iyadoo laamo ama xafiisyo ku leh gudaha dalka iyo dibadda sida Dowladaha Islaamka,Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga ah.

SONNA ayaa ahย  isha wararkaย ,waxeyna ku shaqeysaaa daacadnimo, dhex-dhexaadnimo iyo dabagal,iyadoo gudbisa wararka iyo dhacdooyinka xiisaha u leh bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka.

Wasaaradda Warfafinta waxay dadaal ku bixisay sidii loo ย hormarin lahaa qeybaha warbaahinta ,gaar ahaan wakaaladda wararka SONNA si loo helo aqoon lagu kaabo howsha warbaahinta ,iyada oo loo marayo qaab farsamo oo casriyeysan.

Sadex iyo tobankii ย sano ee u dmbeeyay SONNA,waxay soo ceshatay xiriirkii ay la laheyd wakaaladaha caalamiga ah iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya,waxaana kamid ah Shiinaha,Turkiga,Suudaan, ,Qadar,Kuweyt, Imaaraadka ,Sacuudiga,Raashiya iyo Bulgariya.

Hadafka SONNA ee xilligaan iyo mustaqbalka fog waa-
1-in hawsha SONNA laย  gaarsiyo Gobolada dalka iyo dibadaha iyadoo kor loo qaadayo aqoonta shaqaalihii hore iyo kuwa cusub ee ku soo biiraya wakaaladda.

2 โ€“la socodka wararka ay daabacaan wakaaladaha iyo warbaahinada kale eeย  caalamka.

3 โ€“diyaarinta warar xaqiiqo ah oo ka turjumaya danta bulshada,gaar ahaan xilligga ay dhacayaan.

4 โ€“ kordhinta qalabka saxaafadda ee ay ku howlgalaan wakaaladda wararka SONNA.

5 โ€“ in danjirayaasha ku sugan dalka la siiyo warar ku qoran buletiinka oo ku hadlaya luqadaha Ingiriiska,carabiga Talyaaniga iyo kuwo kale,

6 โ€“in ay diiwaangeliso dhacdooyinka,iyadoo lala kaashanaayo hayโ€™adaha wararka eeย  goboladaa iyo caalamka.

7โ€“ย tixgelinta qiyamka iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed,gaar ahaan xilliyada faafinta wararka.

8 โ€“ in kor loo qaado aqoonta shaqaalaha si ay u abuuraan jawi wanaagsan oo lagu shaqeyn karo.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa gabagabadiiย  dhambaal hambalyo ah u diray maamulka iyo shaqaalaha Wakaalada Wararka SONNA oo maanta u dabbaaldegaya xuska sanadguurada 59-aad ee ka sooย  wareegatay aasaaska wakaaladda.

Wasiirka iyo madaxda kale ee wasaaradda waxay ย u rajeeyeen maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA in sanadkaan kisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

Previous Post

Firxadka Khawaarijta oo la ogaaday meelaha ay Ku dhuumaaleesanayaan

Next Post

Duqa Muqdisho oo la kulmay qaar kamida Ururada bulshada

Next Post
Duqa Muqdisho oo la kulmay qaar kamida Ururada bulshada

Duqa Muqdisho oo la kulmay qaar kamida Ururada bulshada

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐š๐๐๐ž๐ฑ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐š๐๐๐ž๐ฑ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

October 12, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hayโ€™adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hayโ€™adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In