Saturday, August 13, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo Mas’uuliyiin kala duwan kula kulmay Ankara “SAWIRRO”

April 9, 2018
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo Mas’uuliyiin kala duwan kula kulmay Ankara  “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ankara, 09 April, 2018:Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Ankara ee Caasimadda Dalka Turkiga, ayaa kulamo la qaatay Xoghayaha guud ee dawladaha Hoose ee Turkiga iyo masuuliyiin kale.

Mudane Yarisow oo weheliyo Guddoomiye ku xigeenka Marwo Basma Caamir Ahmed, safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Danjire Jaamac Abdullahi Ceydiid iyo mas’uuliyiin kale ayaa kulan gaar ah la yeeshay Xoghayaha guud ee Dawladaha Hoose Turkiga, Mudane Hayrettin Gungor, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac iyo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarinta magaalada Muqdisho.

Related posts

Wasiiru-dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilka La Wareegay

Wasiiru-dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilka La Wareegay

August 13, 2022
Soomaaliya Oo La Wareegtay Deeq Raashin Ah Oo Uga Timid Imaaraadka Carabta

Soomaaliya Oo La Wareegtay Deeq Raashin Ah Oo Uga Timid Imaaraadka Carabta

August 13, 2022

Sidoo kale, Guddoomiye Yarisow ayaa la kulmay madax ka tirsan Hay’adda bisha Cas ee Turkiga iyo waaxda dhismaha jidadka u qaabilsan magaalada Ankara oo dhammaantood ay isla soo qaadeen horumarinta Muqdisho.

Guddoomiyaha oo wafdigiisa ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Maamulka, Ganacsato iyo howl-wadeennada Gobolka Benaadir, ayaa inta uu joogo Turkiga waxa uu xoogga saari doonaa, sidii ganacsatada dalkaas ay u maalgashan lahaayeen Gobolka Benaadir, xoojinta xiriirka Muqdisho ay la leedahay magaalooyinka dalkaas, dar dar gelinta arrimaha iskaashiga,tababarrada, tayeynta shaqaalaha Gobolka Benaadir iyo isdhaafsiga khibradaha maamul ee labada dhinac.

–DHAMMAAD—

Previous Post

R/wasaare ku xigeenka dalka oo Kormeer ku tagay Isbitaalka Erdogan ee Ex Digfeer

Next Post

Horseed Oo U Dhawaatay Hogaanka Horyaalka

Next Post
Horseed Oo U Dhawaatay Hogaanka Horyaalka

Horseed Oo U Dhawaatay Hogaanka Horyaalka

Wasiiru-dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilka La Wareegay

Wasiiru-dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilka La Wareegay

August 13, 2022
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiiru-dowlaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga mudane...

Soomaaliya Oo La Wareegtay Deeq Raashin Ah Oo Uga Timid Imaaraadka Carabta

Soomaaliya Oo La Wareegtay Deeq Raashin Ah Oo Uga Timid Imaaraadka Carabta

August 13, 2022
0

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), oo uu wehliyo Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, Xoghayaha...

Ciidamada Isku Dhafka Ah Ee Puntland iyo Galmudug Oo Lagu Wareejiyay Gaadiid

Ciidamada Isku Dhafka Ah Ee Puntland iyo Galmudug Oo Lagu Wareejiyay Gaadiid

August 13, 2022
0

Masuuliyiin ka tirsan dowlad gobaleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta si wadajir ah ugu wareejiyay labo gaari Ciidanka isku dhafka...

Wasiirka cusub ee Waxbarashadda Oo  La Wareegay xilka

Wasiirka cusub ee Waxbarashadda Oo La Wareegay xilka

August 13, 2022
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Waxbarashadda Waxbarashadda  Hidaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In