Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Qado sharaf Magaalada Muqdisho ugu sameeyay Madaxda Shirkada Zadelar oo ah Shirkad ku taqasustay Dhismaha iyo Maareynta Biyo Mareenada, waxa ayna horey ugu soo shaqeesay wadamo badan oo ka tirsan Caalamka.
Shirkadaan oo casuumaad rasmi ah ka heysata Maamulka Gobolka Banaadir, si xal loogu helo biyomareenada Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay shirar la qaateen Guddi Farsamo iyo Injineero Maamulka Gobolka Banaadir u xil saaran dib-u-dhiska iyo xal u helidda Bulaacadaha Magaalada Muqdisho.
Munaasabadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, La-taliyeyaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiye Ku-xigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Injineero Soomaaliyeed oo ku taqasusay dhismaha.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyay Madaxda Shirkadda Zadelar sida ay u aqbaleen casuumaada loo fidiyay, asigoo sheegay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay in ay kaashato cid weliba oo Maamulka Gobolka Banaadir kala shaqeyn karta maareynta iyo xal-u-helidda Bulaacadaha Magaalada Muqdisho.