Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Al-Cadaala “Howlgalladii ugu dambeeyay todobaadkan waxay ahaayeen kuwa lagu burburinayay Hubka Khawaarijta”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 31, 2023
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa: “In galabta aan ku kulanno fagaraahan degmada Heliwaa waxay caddeyn u tahay horumarka laga gaaray amniga Caasimadda”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf “Al-Cadaala ” oo ka qeybgalayay Barnaamij dood ah oo ka baxayay Aaladda Twitter Space-ka ee Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan howlgallada ka dhanka ah khawaarijta iyo guulaha laga gaaray.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada Qaranka ay guula waaweyn ka soo hoyeen howlgallada socda, khawaarijtana looga dilay tira aad u fara badan oo isugu jira Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Sidoo kale Wasiir Al-Cadaala ayaa tilmaamay in howlgalladii todobaadyadii ugu dambeysay ciidamada ay fuliyeen uu ahàa kuwa lagu bur-burinayay saanad ciidan iyo goobaha ay khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen, guulna laga gaaray oo la bur-buriyay Gaadiid iyo Maleeshiyaad fara badan oo ka tirsanaa khawaarijta.

“Howlgalladii ugu dambeeyay maalmahaan waxay ahaayeen in la burburiyo saanadooda iyo hubkooda iyo in la joojiyo isku socodka Khawaarijta.”ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf “Al-Cadaala” ayaa sheegay in dowladda ay guul badan ka gaartay howlgalka wajiga koowaad, islamarakan ttodobaadyada soo socdo ay dhici doonaan howlgallo xoogga oo ka dhan ah kawaarijta.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in la bur-buriyay isbaarooyin khawaarijta ay lacago baad ah uga qaadi jireen shacabka, halkaasi oo ay ku dhibateen jireen, gaar ahaan waddada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo, waxaana lagu guuleystay in gebi ahaanba la burburiyo goobihii ay bulshada ku dhibaateyn jireen Khawaarijta.

Previous Post

Wasiirka Qorsheynta XFS oo qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda Qaxoootiga Adduunka

Next Post

Duqa Muqdisho oo qado sharaf u sameeyay Madaxda Sbirkadda Zadelar “SAWIRRO”

Next Post
Duqa Muqdisho oo qado sharaf u sameeyay Madaxda Sbirkadda Zadelar “SAWIRRO”

Duqa Muqdisho oo qado sharaf u sameeyay Madaxda Sbirkadda Zadelar "SAWIRRO"

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In