Monday, August 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo Qoys Soomaaliyeed ku wareejiyey guri muddo ka maqnaa “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo Qoys Soomaaliyeed ku wareejiyey guri muddo ka maqnaa “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo qoys Soomaaliyeed ku wareejiyey guri muddo ka maqnaa ayaa sheegay in Maamulka Gobolku ay ku guuleysteen soo celinta hanti muddo ka maqnayd muwaadiniin kala duwan.

Related posts

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

August 3, 2026
Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

August 3, 2026

Guddoomiyaha ayaa xafiiskiisa si wada jir ah ugu qaabilay labadii qoys ee loo kala celiyey guriga, isagoona ku bogaadiyey qoyskii horey u deganaa sida wanaagsan ay u wareejiyeen una soo dhaweeyeen walaalahooda lahaa mulkiyadda guriga.

“Waxaan idiin ka mahadcelinayaa sida aad isu cafiseen, una garawsateen muhiimadda ay leedahay walaaltinimada idin ka dhaxeysa ee aan dhammaanayn. Tallaabadan aad wada jirka u qaadeen waxa ay waji cusub u tahay xal u helista murannada dhulka iyo hantida maguurtada ah ee ka dhaca Gobolka Banaadir.”

Dhankooda, labada qoys ee loo kala celiyey guriga ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir dadaalka joogtada ah ee ay ku bixiyeen xal u helista murankii ka dhaxeeyey iyo sida isfahanka iyo walaaltinnimada leh ee ay ku dhammaatay.

Kulanka waxaa goob joog ku ahaa Guddoomiyaha Degmada Shibis Marwo Safiyo Sheekh Cali oo degmadas uu ku yaallo guriga loo soo celiyey qoyskii mulkiyadda u lahaa.

Previous Post

Ardaydii kaalimaha hore ka galay imtixaankii dowladda oo deeq Waxbarasho loo dirayo “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Qaar kamid ah xarumaha Wasaaradaha “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Qaar kamid ah xarumaha Wasaaradaha “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Qaar kamid ah xarumaha Wasaaradaha "SAWIRRO"

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

August 3, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xarunta...

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

August 3, 2026
0

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Dardar-gelinta iyo Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC), oo uu daah furay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Laascaanood kula Kulmay Isimmada Dhaqanka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Laascaanood kula Kulmay Isimmada Dhaqanka Waqooyi Bari

August 3, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laascaanood ku qaabilay Isimmada dhaqanka ee deegaannada...

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan lagu hirgelinayo Nidaamka Qaran ee digniinta hore ee Khataraha

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan lagu hirgelinayo Nidaamka Qaran ee digniinta hore ee Khataraha

August 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Arrimaha Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In