Monday, January 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo Rugta Ganacsiga kala hadlay dib-u-dhiska Caasimadda+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo Rugta Ganacsiga kala hadlay dib-u-dhiska Caasimadda+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kulan la qaatay madaxda Rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo uu hoggaaminaayay guddoomiyaha Rugta ganacsiga Mudane Maxamuud Cabdi Gabeyre.

Kulanka Guddoomiyaha iyo madaxda ka socotay Rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa waxaa looga hadlay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda, isla markaana loo sii xoojin lahaa wada shaqaynta maamulka iyo ganacsatada.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo casriyeeyay

Wasiirka Warfaafinta oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo casriyeeyay

January 5, 2026
Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay dilka Ismaaciil Haniya

War Saxaafadeed: Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir

January 5, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Filish ayaa tilmaamay in ganacsatada Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin dib u dhiska dalka, sidaas darteedna maamulkiisu uu ku dhiirigelinayo bulshada kuwooda dhaqaalaha haystaa inay doorkooda ka qaataan horumarka Caasimadda.

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa xusay in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed u istaagaan sidii kaabayaasha Caasimadda loo dhisi lahaa, si ay ula tartanto Caasimadaha adduunka ee horumaray.

Ganacsatada kulanka la qaatay Guddoomiyaha ayaa balanqaaday in ay sii dardargelin doonaan doorkooda ku addan horumarinta Caasimadda, horey iyo hadana ay diyaar u yihiin kaalinta kaga aaddan.

Kulanka ayaa waxaa ku weheliyey Duqa Muqdisho, Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay kusimaha agaasimaha guud ee wasaaradda

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo  magacaabay kusimaha agaasimaha guud ee wasaaradda

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay kusimaha agaasimaha guud ee wasaaradda

Wasiirka Warfaafinta oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo casriyeeyay

Wasiirka Warfaafinta oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo casriyeeyay

January 5, 2026
0

Muqdisho, 5 January 2026:- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daauud Aweys Jaamac ayaa maanta xarigga...

Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay dilka Ismaaciil Haniya

War Saxaafadeed: Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir

January 5, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Gobolka Banaadir ku bogaadinaysaa qabsoomidda Doorashadii taariikhiga ahayd ee...

Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ay sameeyeen ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab “SAWIRRO”

Horjoogayaasha sarre ee Khawaarijta oo dareemaya cabsi iyo walwal Xooggan 

January 5, 2026
0

Tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay kordhisay howlada Ciidmada Qaranka ay ka fulinayaan deegaanada ay khawaarijtu ka filaneen howlgalada waxaa...

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku guulaystay nabadeynta beelo ku dagaalamay deegaano Matabaan hoostaga.

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku guulaystay nabadeynta beelo ku dagaalamay deegaano Matabaan hoostaga.

January 5, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Maxamed Xuseen Maxamed oo la hadalay Radiomuqdisho ayaa sheegay inay ku guulaysteen dadaalo ay mudooyinkaan wadeen kuwaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In