Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo sheegay in lala Xisaabtamayo Askarta Dilalka u geysta Darawalada Bajaajta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo sheegay in lala Xisaabtamayo Askarta Dilalka u geysta Darawalada Bajaajta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ka tacsiyeeyey labo muwaadin oo Ciidanka Booliska ay ku dileen Muqdisho ayaa sheegay in gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya magaalada uu laf-dhabar u yahay nolosha bulshada Caasimadda, gaar ahaan dhalinyarada iyo dadka dan’yarta ah ee ka soo saarta nolol maalmeedkooda, sidaas daraadeedna aan loo qiil dayeyn wax walba oo dhibaataynaya, waxuna dhinacooda ka codsaday in la ilaaliyo shuruucda, lalana shaqeeyaa ciidamadda amniga.

Guddoomiyaha oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/G Bashiir Cabdi Maxamed ayaa kula hadlayay Isgoyska Bakaaraha dhalinyaro bannaanbaxayay, ayaa sheegay in ay jawaab deg-deg ah ka sugayan Taliska Booliska, loogana baahan yahay in gacan adag ay ku qabtaan cid kasta oo muwaadiniinta dhibaateynaysa.

Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay banaanbaxayaasha in xaaladda ay dajiyaan, isla markaana Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu qaaday tallaabo looga jawaabayo falkaas, iyadoo xabsiga la dhigay taliyihii xukumayay Ciidanka dilka geystay.

“Waxaan idinka rabnaa in aad la shaqeysaan ciidamada amniga, haddaan amni la helin Bajaaj ma socon karto, ka maamul ahaana waxaa diyaar u nahay cid walba oo dhibaato idiin geysata inaan la xisaabtano oo ilaalino xuquuqdiina.”

Sidoo kale, Duqa Muqdisho iyo Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa booqday qoysaska ay ka baxeen labada Marxuum ee dilka loo geystay, waxayna balanqaadeen in askarigii dilka ka danbeeyey caddaaladda la horgeyn doono.

Previous Post

Maamulka Degmada Shangaani oo Wado dadaallo lagu hormarinayo Nadaafadda degmada.

Next Post

Wasiirka Qorsheynta XFS oo ka warbixiyay ahmiyada shirkii Washington

Next Post
Wasiirka Qorsheynta XFS oo ka warbixiyay ahmiyada shirkii Washington

Wasiirka Qorsheynta XFS oo ka warbixiyay ahmiyada shirkii Washington

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In