Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo soo dhaweeyay ansixinta Mataaladda gobolka Banaadir ee Aqalka sare

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo soo dhaweeyay ansixinta  Mataaladda gobolka Banaadir ee Aqalka sare
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed “Filish” ayaa uga mahad celiyay guddoonka iyo Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya xaqiijinta Mataaladda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir, taas oo madaxweye Farmaajo uu ku soo jeediyey furitaankii Kal-fadhigii 7aad ee Baarlamaanka.

Qoraal kooban oo uu Duqa Muqdisho soo dhigay bartiisa Facebooka ayuu ku yiri” Waxaan u mahadcelinayaa Baarlamaanka JFS oo maanta si aqlabiyad leh u ansixiyay xeerkii Matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare, Waxaad muujiseen kaalin lama ilaabaan ah oo taariikhda gashay oo aad ugu hiiliseen shacabka Gobolka Banaadir.

Related posts

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026

Sidoo kale, Guddoomiye Cumar Filish ayaa hambalyo ku aaddan guusha matalaadda gobolka Banaadir u diray shacabka gobolka Banaadir,wuxuuna caddeeyay in guushan u soo hoyotay Bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir ay ku timid Adkeysi, Sabar badan, abaalkii ay Qaranka u galeen ee canshuurtooda ku bixiyeen Dowladnimada miraheedi maanta ay heleen,”

Ugu dambeyntii, Duqa Muqdisho ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo geed dheer iyo mid gaaban u koray sidii Gobolka Banaadir matalaad ugu heli lahaa Aqalka Sare, isagoo horay u taageernay baaqiisii uu Baarlamaanka ka hor-jeediyay 6-dii bishan June 2020, taas oo aheyd tallaabo geesinnimo leh.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Madasha dhallinyarada ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ugu Hambalyeeyay Dowladda iyo Shacabka Jabuuti 43-Guurada kasoo wareegtay Xornimada dalkaas

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo ugu Hambalyeeyay Dowladda iyo Shacabka Jabuuti 43-Guurada kasoo wareegtay Xornimada dalkaas

Madaxweyne Farmaajo oo ugu Hambalyeeyay Dowladda iyo Shacabka Jabuuti 43-Guurada kasoo wareegtay Xornimada dalkaas

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee...

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
0

Waxaa Soomaaliya laga hirgelinayaa qorshe cusub oo lagu taageerayo ganacsatada yar-yar ee Soomaaliyeed, kaas oo diiradda saaraya sidii loo fududeyn...

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026
0

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BJFS, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In