Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho “Waxaan beegsanaynaa sidii aan kor ugu qaadi lahayn fursadaha waxbarashada Gobolka Banaadir”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho “Waxaan beegsanaynaa sidii aan kor ugu qaadi lahayn fursadaha waxbarashada Gobolka Banaadir”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa daah-furay barnaamijka bandhigga Jaamacadaha oo ah madal sanadkii labaad la qabanayo taas oo dib u eegis loogu sameynayo heerka waxbarasho dalka, kaalinta jaamcaduhu ay ka soo-qaateen samata bixinta waxbarashada xilligii bur burka iyo caqabadaha haatan jira ee muhiimka ay tahay in wada jir aan wax uga qabano.

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey muwaadiniintii Soomaaliyeed ee sida is-xilqaanka ugu istaagay howlahay waxbarashada, xilli duruufo adag ay ka jireen dalka, isagoona tilmaamay in shakhsiyaadka, xarumaha waxbarashada iyo dalladaha ay ku mideysanyihiin ay shacabka Soomaaliyeed u buuxiyeen kaalin taariikhiga ah.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Madashan waxa ay inoo tahay fursad aan isku waydaarsanno horumarka aan ka gaarnay waxbarashada iyo caqabadaha aan xalka u raadinayno, waana mid ka mid ah waddooyinka guusha lagu gaaro, sababtoo ah guushu waxa ay ku jirtaa in wixii qabsoomayna la bogaadiyo, wixii kalena la isla meel dhigo qorshihii lagu horumarin lahaa.”

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay aqoonyahannada Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada in ay kaalintooda ka qaataan bandhiggan, isla markaasna ay la wadaageen bahda waxbarashada heer jaamacadeed fikaradaha iyo tallooyinka ku qotoma tayeyna waxbrashada sidii ay u noqon lahayd mid wanaagsan.

“Annaga oo kaashanayna Hay’adaha Waxbrashada heer Federaal, waxaan beegsanaynaa sidii aan kor ugu qaadi lahayn fursadaha waxbarashada Gobolka Banaadir iyo in aan fursado shaqo u abuurno ardayda ka qalin jabisa jaamacadahaas oo tayo waxbarasho iyo xirfad shaqo-ba ay ka muuqato in badan oo kamid ah ardaydii laga shaqaaleysiiyey gobolka.”

Sidoo kale, Guddoomiye Yarisow ayaa kormeeray goobo bandhigeed gaar gaar ah oo jaamacaduhu ay ku soo bandhigayeen sooyaalkooda waxbarasho,kulliyadaha iyo fursadaha ay ugu tala galeen ardayda ku biiraysa sanad dugsiyeedka 2018-2019, isagoona halkaas warbixinno kaga dhagaystay maamulka iyo matalayaasha Jaamacadaha.

Previous Post

Aqoon Iswaydaarsi ku Saabsan Maqaamka Caasimadaha Federaalka ee Dunida oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Dhul gariir waxyeelo ba’an geystay oo Indonesia ka dhacay

Next Post
Dhul gariir waxyeelo ba’an geystay oo Indonesia ka dhacay

Dhul gariir waxyeelo ba'an geystay oo Indonesia ka dhacay

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In