Deegaanno hoos yimaada degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa lagu soo waramayaa in lagu duqeeyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda nabad diidka ah, xilli ay ku kulansanaayeen deegaan ku dhaw Tuulada Wabxo.
Gudoomiyaha tuulada Wabxo Cabdi Axmed Kabayare ayaa Radio Muqdisho u sheegay in diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helokabtariska oo ay leedahay dowladda Ethiopia ay duqeeyeen meel ay ku shirayeen horjoogayaasha kooxda nabaddiidka ah ee Shabaab.
Wuxuu tilmaamay in duqeyntaasi ay ka dhalatay qasaare aad xooggan oo soo gaaray kooxda Shabaab, isagoo intaa ku daray in duqeymuhu ay ka kala dhaceen laba deegaan oo ah duleedka tuulada Wabxo.
Maleeshyaadka Shabaab ee ku sugan deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa waxaa xilligan soo wajahay cabsi xooggan oo kaga imaaneysa howlgallada ay ciidamadu ka wadaan gobolka galgaduud.
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐จ๐จ ๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐๐๐ฑ๐๐๐ ๐๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ ๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ค๐
Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...












