Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqeyn khasaaro ba’an lagu gaarsiiyay Maleeshiyada Al-Shabaab oo laga fuliyay Gobolka Gedo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Duqeyn khasaaro ba’an lagu gaarsiiyay Maleeshiyada Al-Shabaab oo laga fuliyay Gobolka Gedo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Gobolleedka Jubbaland ayaa maalmihii u danbeeyay waxay howlgal ka dhan ah Maleeshiyada Al-Shabaab ka wadeen deegaano hoos yimaada degmada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo.

Howlgalada ayaa ahaa kuwo lagu baacsanayay haraadiga Maleeshiyada Al-Shabaab,waxaana laga gaaray guulo la taaban karo.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Ciidamada AMISOM ayaa ku soo biiray howlgalka oo duqeymo dhanka cirka ka fuliyay deegaano hoostada degmada Garbahaareey sida deegaanka Ceel-cadde oo maleeshiyada Al-Shabaab fariisin ay ku leeyihiin.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad dhanka Amniga iyo siyaasadda Gobolka Gedo Aadan Siraad Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay in Kooxda Argagixisada Al-Shabaab uu khasaaro ba’an ka soo gaaray duqeynta laga fuliyay deegaanka Ceel-cadde iyo deegaanada kale ee hoos yimaada magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo.

Wuxuu sheegay in Maleeshiyada Al-Shabaab duqeynta Khasaaro ba’an ka soo gaartay balse aysan xaqiijin karin inta ay gaarsiisan tahay ayna wadaan baaritaan arrintaan ku aadan.

Sidoo kale,Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Gedo Aadan Siraad Maxamuud ayaa sheegay in todobaad ka hor meel dhowr iyo toban KM u jirta Garbahaareey lagu weeraray Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo dad danyar ah xooga kaga uruursanayeen Xoolahooda,halkaasina looga dilay lix Maleeshiyo hub fara badana lagaga furtay.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dadaal ugu jira sidii Shacabka Soomaaliyeed kaga dul qaadi lahaayeen Kooxda argagxisada Al-Shabaab oo hadda meelo badan oo dalka mid ah laga xoreeyay inta yar ee harsana si dhuumaaleysi dhulka howdka ah ku joogaan.

Previous Post

R/wasaare Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u kictimay Dalka Norway

Next Post

Wasiirka Warfaafinta oo faah faahiyay heshiiskii Soomaaliya iyo Ethiopia (SAWIRRO+Dhageyso)

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo faah faahiyay heshiiskii Soomaaliya iyo Ethiopia (SAWIRRO+Dhageyso)

Wasiirka Warfaafinta oo faah faahiyay heshiiskii Soomaaliya iyo Ethiopia (SAWIRRO+Dhageyso)

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In