Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duufaan ku dhufatay Mareykanka iyo Dowladda oo ku dhawaaqday musiibo Qaran

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Dhageyso Wareysi dhinacyo badan taabanayo oo lala yeeshay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cabsi iyo wal wal xoogan ayaa ka taagan qaar kamid ah gobolada dalka Mareykanka, kadib markii Duufaanta loo yaqaano  Harvey ay gabaldhicii Jimcihi ku dhufatay  xeebaha gobolka Texas ee dalkan Mareykanka, iyadoo Dowlada Mareykankana ka digtay musiibo xoog leh oo ka dhalata duufaantan aadka u xoogan.

Donald Jey Trump Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay inuu saxiixay bayaan qeexaya in musiibo heer Federaal ah. Wuxuu sheegay in uu si dhaw ula socdo xaaladda Texas oo sababtay casbi xoogan oo soo wajahday bulshada Mareykanka oo kunool Gobolada Dhaca xeebaha dalkaasi.
Xarunta Duufaanada  ee Mareykanka  ayaa sheegtay in heerka darajada duufaanta oo awal aheyd sadex ay hadda kor ugu kacday qeybta afraad, taasoo ka dhigeysa in saacaddiiba ay duufaantu jareyso 250-km waxaana laga cabsi qabaa in ay ku sii faafto deegaano iyo magaalooyin hor leh.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Guddoomiyaha gobolka Texas Greg Abbott ayaa sheegay in duufaanta Harvey ay noqon doonto masiibo, isaga oo uga digay shacabka inay u diyaar garoobaan fatahaad aanan caadi aheyn.

Duufaanta ayaa xalay soo dharbaaxday magaalada xeebta ku taalla ee Corpus Christi, waxaana hadda ay usoo jiheysatay dhinaca magaalada Houston iyo magaalooyinka kale ee dhaca dhinaca xeebta.

Magaalooyinka ku yaala xuduuda Mareykanka uu la wadaago dalka Mexico ayaa laga cabsi qabaa in duufaatu ay sii xoogan u saameyso.

Previous Post

Booliska Belgiumka oo toogtay Nin Asalkiisa Soomaali yahay oo mindi ku dhaawacay askar

Next Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo dib u sameynayo Sharciga Gadiidka Wadada(Dhageyso).

Next Post
Gudoomiye ku xigeenada Gobolka Banaadir oo si rasmi ah loo  magacaabay “SAWIRRO”

Maamulka Gobolka Banaadir oo dib u sameynayo Sharciga Gadiidka Wadada(Dhageyso).

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In