Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duuliye sare Maxamuud Maxamed Guuleed oo maanta lagu aasay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeysay geerida Abwaan Cali Sugule
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Alle ha u naxariistee Duuliye Sare Maxamuud Maxamed Guuleed Taliyiihii hore ee Ciidanka Cirka Soomaaliya ahaana Guddoomiyaha Shirkaddii Diyaaradaha ee Soomaali airlines oo dhowaan ku geeriyooday Magaalada Nairobi ayaa Maanta lagu aasay Magaaladda Muqdisho.

Duuliye Sare Marxuum Maxamuud Maxamed Guuleed ayaa dhashay Sanadkii 1943 isago ku dhashay Tuulada Dacar buluq oo u dhow Berbera ee Goboladda Waqooyiga Dalka Soomaaliya.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Xildhibaan Cabdullahi Cali Gedefeey oo ka mid ahaa Xildhibanadii ka soo qaybgalay Aaska ayaa ka codsaday intii ay soo wada shaqeeyeen marxuumku in ay iska cafiyaan.

Taliyaha Ciidanka Cirka Dalka Soomaaliya S/Guuto Maxamuud Sheekh Cali Dable Biloote oo ay soo wada shaqeeyeen ayaa si kooban uga hadlay intii uu ka yiqiin Marxuum Guuleed.

“Barasho aan isbarano waxaa iskeen horeysey Kulyada,kadibna waxaan ku soo laabanay Soomaaliya,Guuleed waxaa loo magacabay Taliyihii ugu horeeye ee Raxanta Kowaad ee Diyaaraha Hargeysa ayaana loo bedelay”

S/Guuto C/laahi Xasan Bariise iyo S/Guuto Cali Xirsi Barre oo ku hadlaayey Magaca Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa tacsi u diray Dhamaan Ciidanka Cirka Soomaaliya, Shaqaalihii Shirkadda Soomaali airlines, Shacabka Soomaliyeed iyo Qoyskii uu ka Geeriyooday Marxuumka.

“Aniga iyo Saaxiibkey Gen Bariise waxaan wakiil ka nahay Taliyaha Ciidanka Boliiska iyo Sarakiil kale oo aan madax u nahay,Ciidanka Boliiska Soomaaliyed waxaa uu tacsi u dirayaan Ciidanka Cirka Soomaaliya,Shaqaalihii Shirkada Soomaali airlines,Shacabka Soomaliyeed iyo Qoyskii uu ka Geeriyooday Marxuumka”

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jengeli ayaa ku tilmaamay Duuliye Sare Maxamuud Maxamed Guuled inuu ahaa Halyey Soomaaliyeed oo wax badan usoo qabtay Qaranka Taariikdana kaga jira Baal dahab ah.

“Waxaan Maanta u joognaa Aaska Haldoor Soomaaliyeed buu ahaa Maxamuud Maxamed Guuleed Guuleed wuxuu soo noqday Taliyhii Ciidanka Cirka muddo dheer waxaa uu ahaa Gudoomiyaha Shirkadda Soomaali airlines”

Ku simaha Madaxweynaha, ahna guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Prof; Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka qayb galay aaska aay sheegay in Qabrigu yahay meel lagu waano qaato.

Aaska Marxuum Duuliye Sare Maxamuud Maxamed Guuled Taliyiihii hore ee Ciidanka Cirka ee Soomaaliya, ahaana Guddoomiyaha Shirkaddii Diyaaradaha Soomaali airlines ayaa waxa ka soo qaybgalay Xildhibaano, Xoghayaha Baarlamaanka Federaalka soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada soomaliya,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Abaan duulayaasha C/X/Dalka, Saraakiil ka kala socotay Qaybha Ciidamada Qalabka Sida iyo Dad weyne fara badan.

Previous Post

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka K/Galbeed oo booqday degaanka Goof-guduud

Next Post

Q. M. oo ka deyrisay xaaladda dadka ka barakacay degmada Qandala ee Gobolka Bari

Next Post
Saraakiil QM ka tirsan oo maanta gaaray Cadaado

Q. M. oo ka deyrisay xaaladda dadka ka barakacay degmada Qandala ee Gobolka Bari

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In