Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duuliye sare Maxamuud Maxamed Guuleed oo maanta lagu aasay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeysay geerida Abwaan Cali Sugule
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Alle ha u naxariistee Duuliye Sare Maxamuud Maxamed Guuleed Taliyiihii hore ee Ciidanka Cirka Soomaaliya ahaana Guddoomiyaha Shirkaddii Diyaaradaha ee Soomaali airlines oo dhowaan ku geeriyooday Magaalada Nairobi ayaa Maanta lagu aasay Magaaladda Muqdisho.

Duuliye Sare Marxuum Maxamuud Maxamed Guuleed ayaa dhashay Sanadkii 1943 isago ku dhashay Tuulada Dacar buluq oo u dhow Berbera ee Goboladda Waqooyiga Dalka Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Xildhibaan Cabdullahi Cali Gedefeey oo ka mid ahaa Xildhibanadii ka soo qaybgalay Aaska ayaa ka codsaday intii ay soo wada shaqeeyeen marxuumku in ay iska cafiyaan.

Taliyaha Ciidanka Cirka Dalka Soomaaliya S/Guuto Maxamuud Sheekh Cali Dable Biloote oo ay soo wada shaqeeyeen ayaa si kooban uga hadlay intii uu ka yiqiin Marxuum Guuleed.

“Barasho aan isbarano waxaa iskeen horeysey Kulyada,kadibna waxaan ku soo laabanay Soomaaliya,Guuleed waxaa loo magacabay Taliyihii ugu horeeye ee Raxanta Kowaad ee Diyaaraha Hargeysa ayaana loo bedelay”

S/Guuto C/laahi Xasan Bariise iyo S/Guuto Cali Xirsi Barre oo ku hadlaayey Magaca Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa tacsi u diray Dhamaan Ciidanka Cirka Soomaaliya, Shaqaalihii Shirkadda Soomaali airlines, Shacabka Soomaliyeed iyo Qoyskii uu ka Geeriyooday Marxuumka.

“Aniga iyo Saaxiibkey Gen Bariise waxaan wakiil ka nahay Taliyaha Ciidanka Boliiska iyo Sarakiil kale oo aan madax u nahay,Ciidanka Boliiska Soomaaliyed waxaa uu tacsi u dirayaan Ciidanka Cirka Soomaaliya,Shaqaalihii Shirkada Soomaali airlines,Shacabka Soomaliyeed iyo Qoyskii uu ka Geeriyooday Marxuumka”

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jengeli ayaa ku tilmaamay Duuliye Sare Maxamuud Maxamed Guuled inuu ahaa Halyey Soomaaliyeed oo wax badan usoo qabtay Qaranka Taariikdana kaga jira Baal dahab ah.

“Waxaan Maanta u joognaa Aaska Haldoor Soomaaliyeed buu ahaa Maxamuud Maxamed Guuleed Guuleed wuxuu soo noqday Taliyhii Ciidanka Cirka muddo dheer waxaa uu ahaa Gudoomiyaha Shirkadda Soomaali airlines”

Ku simaha Madaxweynaha, ahna guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Prof; Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka qayb galay aaska aay sheegay in Qabrigu yahay meel lagu waano qaato.

Aaska Marxuum Duuliye Sare Maxamuud Maxamed Guuled Taliyiihii hore ee Ciidanka Cirka ee Soomaaliya, ahaana Guddoomiyaha Shirkaddii Diyaaradaha Soomaali airlines ayaa waxa ka soo qaybgalay Xildhibaano, Xoghayaha Baarlamaanka Federaalka soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada soomaliya,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Abaan duulayaasha C/X/Dalka, Saraakiil ka kala socotay Qaybha Ciidamada Qalabka Sida iyo Dad weyne fara badan.

Previous Post

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka K/Galbeed oo booqday degaanka Goof-guduud

Next Post

Q. M. oo ka deyrisay xaaladda dadka ka barakacay degmada Qandala ee Gobolka Bari

Next Post
Saraakiil QM ka tirsan oo maanta gaaray Cadaado

Q. M. oo ka deyrisay xaaladda dadka ka barakacay degmada Qandala ee Gobolka Bari

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In