Kooxda kubada cagta Elman ayaa dib ugu soo laabatay wadadii guusha kadib afar kulan oo wax guul ah aysan arkin.
Kooxda Waxool oo ugu hooseysa horyaalka ayeey 4-1 ugu adkaatay kulankii 11-aad ee horyaalka soomaaliya oo ay ciyaartay Elman Fc.
Afartii kulan ee ugu danbeyay oo ay ciyaartay elman waxay gashay hal barbaro oo quraa halka sadex laga adkaaday.
Maxamed Nuur Cismaan ayaa lab ka mid ah u saxiixay elman afarta gool oo Waxool ay ku dhaaftay kooxda elman halka labada kale ay kala qaybsadeen Anwar Shakunda iyo Cali Aawoow, waxool oo dhalisay goolkii 7-aad horyaalka Soomaaliya ayaa waxaa u saxiixay Maxamed Deeq oo wata lambarka 17-aad ee kooxdaasi.
Kulankaan sadexdii kulan ee ka horeyay ayeey kooxda elman waxay laba guuldaro kala kulantay kooxaha Ciidanka Booliska iyo Milataarka waa Heegan Iyo Horseed ayadoo barbaro 2-2 ah la gashay jamahiirta Jenyo oo sidoo kale xaalada ay ku xun tahay xili ciyareedkan.
Dhanka kale elman ayaa iska soo guday sadex goo loo lagu lahaa waxaana ay ka dhigan tahay in kooxda Elman ay dhalisay 23 gool lagana dhaliyay 23 gool.
Elman waxay ciyaartay bishii tagtay ee marso shan waxaana ay adkaatay hal kulan oo quraa waxaana ay u ahayd bishii ugu xumeyd ee soo marta inta uu horyaalka soomaaliya socdo kooxaha Batroolka Horseed iyo Heegan ayeey kala kulantay guuldarooyin ayadoo kooxda Jenyo barbaro la gashay waxaana ay adkaatay dhamaan kulamadii ay ciyaartay bisha marso kooxda elman hal kulan oo quraa Gadiidka ayeey 3-0 ugu adkaatay mana jirto kulan kale oo ay adkaatay.
LIXDII KULAN EE U DANBEYAY OO AY SOO CIYAARTO ELMAN FC
01/04/2018 Elman FC 4 : 1 Waxool FC
28/03/2018 Elman FC 1 : 2 Heegan S.C
22/03/2018 Horseed S.C 2 : 0 Elman FC
16/03/2018 Elman FC 2 : 2 Jeenyo FC
09/03/2018 Elman FC 3 : 0 Gaadiidka FC
01/03/2018 Elman FC 1 : 4 Batroolka FC
KULAMADII BISHA MAARSO EE ELMAN
Kooxda kubada cagta LL PPJenyo ayaa adkaaday kulankii ugu horeyay afar kulan kadib
Jenyo waxay 6-0 ugu adkaatay kooxda Batroolka oo la kulantay guuldaradii afaraad horyaalka soomaaliya.
Batroolka laba kulan oo quraa ayeey adkaatay dhamaan kulamada ay ciyaartay horyaalka soomaaliya ayadoo sidoo kale Batroolka ay tahay kooxda laga dhaliyay tirada goolasha labaad ee ugu badan horyaalka soomaaliya waxaana shabaqadooda la taabsiiyay 22 gool halka ay dhaliyeen 10 gool waxaana deen ku ah 12 gool.
Jenyo waxay u soo dhaqaaqday kaalinta shanaad ee kala horeynta horyaalka soomaaliya waxayna isku dhibco yahiin kooxda Elman oo ay kaga horeyso dhanka goolal tirsiga maadama elman wax gool ah aysan lahayn kooxda Jenyo ayaa kaalinta shanaad waxay kaga jirtaa hal goo loo quraa oo ay leedahay kooxdaasi kadib markii ay iska soo guday shan gool oo lagu lahaa Jenyo waxay dhalisay 14 gool ayadoo laga dhaliyay 13 gool.
Kooxda Jenyo afar kulan oo ciyaartay Bisha marso laba waa laga adkaaday labana waxay gashay barbaro ma jirto kulan ay adkaatay dhamaan kulamadii ay ciyaartay bishii tagtay ee marso kooxaha Waxool iyo Banaadir ayeey kala kulantay guuldarooyin halka laba barbaro ay la gashay Madbacadda iyo Elman.
Guul ay gaarto kooxda Jenyo waxaa ugu danbeysay kulan ay ciyaartay 28-kii bishii labaad kulan ay la ciyaartay kooxda Heegan oo 1-0 ay ugu adkaatay.
KULAMADII BISHA MAARSO EE JENYO
JENYO LIXDII KULAN EE U DANBEYAY OO AY SOO CIYAARTAY HORYAALKA.
02/04/2018 Jeenyo FC 6 : 0 Batroolka FC
29/03/2018 Jeenyo FC 1 : 1 Madbacadda FC
23/03/2018 Banadir S.C 4 : 2 Jeenyo FC
16/03/2018 Elman FC 2 : 2 Jeenyo FC
08/03/2018 Jeenyo FC 0 : 1 Waxool FC
28/02/2018 Jeenyo FC 1 : 0 Heegan S.C
KALA HOREYNTA HORYAALKA SOOMAALIYA