Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Elman Oo Rikoor Ka Jabisay Dekadda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Elman Oo Rikoor Ka Jabisay Dekadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda kubadda Cagta Dekadaha ayaa la kulantay guuldarradii ugu horreysay ee Horyaalka Soomaaliya 24 kulan kaddib, Dekadda waxaa guuldarro ugu dambeysay kulan ay la ciyaartay kooxda Horseed 21/02/2017 laba gool iyo gool kulan looga adkaaday.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Cabdi Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) macallinka kooxda Elman ayaa noqday shaqsigii labaad ee Rikoor ka jabiyo kooxaha ugu badan ee horyaalka adkaaday ayadoo lagu xusuusto Cabdi Joon in uu ahaa macallinkii soo afjaray Rikoorkii kooxda Banaadir oo xilli ciyareed buuxa iyo mid kale la qaban waaye.

Haatan Macallin Cabdi Joon waxaa uu soo gaba-gabeeyay Rikoor dheer oo ay waday muddo kooxdisii hore ee Dekadda kuwaasoo guuldarro la’aan ahaa  24 kulan oo Horyaalka Soomaaliya, galabta ayuuna ku soo af jaray kulan ka dhacay Garoonka Banaadir ee Degmada Cabdicasiis.

Ciyaarta ayaa ku soo idlaatay qaybtii hore 2-0 oo ay hoggaanka ku haysay kooxda Elman, labada gool ayey ugu mahad celinaysaa Anwar oo dhaliyay rigooro loo dhigay Elman iyo Maxamuud Meyman oo dhaliyay gool aad u qurux badnaa.

Qaybtii labaad Dekadda oo soo tashatay ayaa garoonka ku soo laabatay hase yeeshe waxaa loo diray shaqo dheer oo ay ugu quusan karto in ay soo barbarreyso laba gool, waxaana saddex ugu dhigay oo goolkisii labaad saxiixay Anwar kaasi oo ahaa galabta shaqsiga ugu wanaagsan garoonka.

Dekadda waxaa ugu danbeysay guuldaro horyaalkii hore kulan ay la Ciyaartay Kooxda Ciidanka ee Horseed Talaado 21/02/2017 kaasi  ayaana ahaa kulankii ugu danbeyay oo laga adkaado dekadda 24 kulan oo xiriir oo aan dhinaceeda dhulka la dhigin Macalin Yuu Cali Dekadaha waxaa soo gaba gabeysay Elman oo markii ugu horeysay horyaalka Soomaaliya adkaatay laba kulan oo is xiga shan kulan kadib.

Dhanka kale kooxda Elman ayaa soo afjartay lix kulan oo aysan ka adkaan kooxda Dekadda kulamada Somali Premier League, waana markii ugu horreysay oo kooxda Elman ay ka adkaato.

Galabta oo kale afar sano ka hor ayey ahayd xilligii ugu dambeysay oo kooxda Elman ay ka adkaato Dekadaha kulan ka tirsan Horyaalka Soomaaliya markii ugu dambeysay oo Elman ay garaacdo Dekada waxaa ka soo wareegtay afar sano oo buuxda.

05/04/14  Galab Sabti ah afar sano ka hor maanta oo kale Elman 3-0 waxay ugu adkaatay kooxda Dekadda waxaa ka soo wareegtay kulankaasi kaddib lix kulan oo ay guul arkin kooxda Elman kulamadii kooxda Dekadda ay guul-darreysatay iyo markii ugu dambeysay oo Elman ay adkaato ayaan halkaan idin ku soo diyaariyay.

Laga billaabo galabta kulankii ahaa illaa iyo kulankii ugu dambeeyay oo ay adkaato Elman

Sabti        05/04/18   Elman          3 – 0       Dekedaha

Talaado    18/07/17  Elman             0 – 2    Dekedaha

Jimco       03/03/17   Dekedaha      0 – 0     Elman

Talaado   26/04/16    Dekedaha     3 – 0     Elman

Isniin        01/02/16   Elman            0 – 1     Dekedaha

Jimco       27/03/15    Dekedaha     2 – 0      Elman

Isniin       29/12/14    Elman           1 – 1      Dekedaha

Sabti        05/04/14     Dekedaha    0 – 3      Elman

          Cabdi Joon iyo Yuu Cali 

Labadaan macalin ayaa horey u ahaa xidigo ka tirsan kooxda Elman waxaana ay soo qaaten waqti wacan oo soo maray xidigahaasi haatan waxay kala wataan kooxaha Elman iyo Dekadda Cabdi Joon waxaa uu wataa kooxdisii hore ee Elman halka Yuu Cali uu ka soo horjeedo kooxdisii hore waxaana uu haatan wataa kooxda difaacaneysa horyaalka soomaaliya sidoo kalena hogaanka u hayso horyaalka.

05/02/2018 ayeey wada ciyareen lugtii hore ee horyaalka soomaaliya labadaan macalin hase yeeshe 1-0 ayaa looga adkaaday Cabdi Joon lugta labaad oo ay galabta ku wada kulmeen ayaa looga adkaaday Yuu Cali waxaana ay ahayd mid ka xanuun badan tii ka adkaaday Cabdi Joon lugtii waayo waxaa uu waayay Yuu Cali Rikorkii uu soo waday tan iyo xili ciyareedkii la soo dhaafay.

Elman waxay ku guuldareysatay in ay ka adkaato kooxda Dekada shantii  kulan ee ugu danbeysay oo ay la ciyaartay sidoo kale Elman waxay ku guul dareysatay in wax gool ah ay ka dhaliso isla shantii  kulan ee la soo dhaafay afar ka mid ah oo ay la ciyaartay kooxda Dekadda waxaana shabaqa ay difaacatay hal kulan oo quraa balse labadii kulan ee ugu danbeysay ayeey ku guuldareysatay kooxda uu leyliyo xidigii hore ee xulka qaranka soomaaliya iyo kooxda Elman Cabdi Joon in ay difaacato galabta ayaana ugu horeysay.

Elman waxay u soo dhaqaaqday kaalinta shanaad kala horeynta horyaalka soomaaliya waxaana sadex dhibcood ay sare martay kooxda Jenyo oo isku dhibco ay ahayeen waxaana afar dhibcood ay u jirsatay kooxda Heegan oo kaalinta afaraad kaga jirta kala horeynta horyaalka soomaaliya.

 

KULAMADA KALE EE LA CIYAARI DOONO BERI IYO WIXII KA DANBEEYA 

Jimco     Gaadiidka FC   Vs       Jeenyo FC

Sabti      Waxool FC       Vs       Banadir S.C

Axad       Batroolka FC   Vs       Horseed S.C

Isniin     Heegan S.C      Vs       Madbacadda FC

KALA HOREYNTA HORYAALKA SOOMAALIYA

Previous Post

Ciidanka Jarmalka oo soo gabagabeeyay howlihii tababarka Milliteri ahaa ee ay Soomaaliya u joogeen

Next Post

Wasiirka ku xiggeenka Wasaaradda Owqaafta XFS oo la kulmay Maayarka Caasimada Jabuuti.

Next Post
Wasiirka ku xiggeenka Wasaaradda Owqaafta XFS oo la kulmay Maayarka  Caasimada Jabuuti.

Wasiirka ku xiggeenka Wasaaradda Owqaafta XFS oo la kulmay Maayarka Caasimada Jabuuti.

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In