Saturday, September 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Eng; Yariisoow: “Waxaa naga go’an in ay Caasimaddu ka mid noqoto Magaalooyinka ugu ammaanka fiican Adduunka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Yarisow oo magacaabay Guddi baaritaan ku sameeya sababta barakacayaasha xoogga looga saaray deegaanka KM 13
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Magaalada Muqdisho Eng; C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) ayaa sheegay in ammaanka caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho uu haatan marayo meel wanaagsan.

 

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026

Eng; Yariisoow oo u warramayay Warbaahinta Qaranka ayaa intaa raaciyay in hadafkoodu uu yahay in Magaala madaxda Dalka oo uu ku tilmaamay Hooyadii Ummadda Soomaaliyeed iyo Qalbigii Shacabka ay kusoo laabato sidii ay Beri-samaadkii ahayd, xilligaas oo ay safka hore uga jirtay Caasimadaha Adduunka ugu nabdoon.

Guddoomiyaha ayaa tallaabooyinka ay u marayaan ka gun gaaridda ammaanka caasimadda ku qeexay inay dib u habayn ku sameeyeen ka maamulka iyo maaliyadda Gobolka, isagoo sheegay in ay daadejiyeen maamulka lana gaarsiiyo Degmooyinka Caasimadda.

Mudane, Yariisoow ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay Bulshada u leedahay fidinta maamulka, isagoo sheegay inay talada gaarsiiyeen Degmooyinka, Xafiisyana ay ugu fureen Shacabka, halkii ay Dadku markii hore adeegyadooda u doonan jireen Xarunta dhexe ee Dowladda hoose.

Sugidda amniga caasimadda ayuu sheegay Guddoomiye Yariisoow in ay u wajaheen si ka duwan qaabab hore, wuxuuna sheegay in ay isku xireen Dowladda hoose iyo Ciidamada taasoo ay barbar socoto barnaamijka derisaynta oo ay ka qayb qaadanayaan mutadawaciin Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa xusay siyaasadda bara-kacayaasha Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay arrintaasi kala hadleen Beesha Caalamka iyo hay’adaha sama-falka, si ay u helaan xuquuqdii ay u baahnaayeen.

“Waxa kaloon dedaal iyo juhdi gelinnay sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha bara-kacayaasha, oo dhib weyn qaba, kuwaasoo aan helin xuquuqdii ay u baahnaayeen, iyadana waxaan Beesha caalamka aad ugala hadalnay sidii aan u hagaajin lahayn xiriirka iyo wada shaqaynta Gobolka Banaadir uu u qaadan lahaa doorka hoggaamineed, waxaan diyaarinnay siyaasaddii bara-kacayaasha oo ay ka qayb qaateen Bulshada Soomaaliyeed”, ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Mudane,Yariisoow ayaa sheegay in ay ka maamul ahaan qorsheynayaan sidii Caasimadda looga hir-gelin lahaa nidaamka Dimoqraaddiyeynta, taasoo uu ku macneeyay in Degmo walba Golayaasheeda degaanka oo la soo doortay ay ka qayb qaataan, si Sanadda 2020-ka loo gaaro doorasho Qof iyo cod ah.

Guddoomiyaha oo aad ugu dheeraaday xagga ammaanka ayaa sheegay in Afartii Bil ee lasoo dhafay uu ammaanka Caasimaddu ahaa mid ka wanaasan sidoo hore, haatanna ay qorsheynayaan in ay nabad gelyada Gobolka Banaadir ay ka qayb qaataan wejiga Labaad 2000 oo Ciidamo Boolis ah, kuwaasoo aan wax balwad ah lahayn aadna u tababaran si ay Bulshadu u hesho nabad gelyo buuxda.

Previous Post

Al-Shabaab oo Gaari rakaab ah ku Rasaaseeyay agagaarka Mandheera Kenya

Next Post

Wasiirka Ganacsiga ee Soomaaliya oo heshiis is afgarad ah la saxiixday dhigiisa Kenya

Next Post
Wasiirka Ganacsiga ee Soomaaliya oo heshiis is afgarad ah la saxiixday dhigiisa Kenya

Wasiirka Ganacsiga ee Soomaaliya oo heshiis is afgarad ah la saxiixday dhigiisa Kenya

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In