Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Eng; Yariisoow: “Waxaa naga go’an in ay Caasimaddu ka mid noqoto Magaalooyinka ugu ammaanka fiican Adduunka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 17, 2018
in Wararka
0
Guddoomiye Yarisow oo magacaabay Guddi baaritaan ku sameeya sababta barakacayaasha xoogga looga saaray deegaanka KM 13
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Magaalada Muqdisho Eng; C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) ayaa sheegay in ammaanka caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho uu haatan marayo meel wanaagsan.

 

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Eng; Yariisoow oo u warramayay Warbaahinta Qaranka ayaa intaa raaciyay in hadafkoodu uu yahay in Magaala madaxda Dalka oo uu ku tilmaamay Hooyadii Ummadda Soomaaliyeed iyo Qalbigii Shacabka ay kusoo laabato sidii ay Beri-samaadkii ahayd, xilligaas oo ay safka hore uga jirtay Caasimadaha Adduunka ugu nabdoon.

Guddoomiyaha ayaa tallaabooyinka ay u marayaan ka gun gaaridda ammaanka caasimadda ku qeexay inay dib u habayn ku sameeyeen ka maamulka iyo maaliyadda Gobolka, isagoo sheegay in ay daadejiyeen maamulka lana gaarsiiyo Degmooyinka Caasimadda.

Mudane, Yariisoow ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay Bulshada u leedahay fidinta maamulka, isagoo sheegay inay talada gaarsiiyeen Degmooyinka, Xafiisyana ay ugu fureen Shacabka, halkii ay Dadku markii hore adeegyadooda u doonan jireen Xarunta dhexe ee Dowladda hoose.

Sugidda amniga caasimadda ayuu sheegay Guddoomiye Yariisoow in ay u wajaheen si ka duwan qaabab hore, wuxuuna sheegay in ay isku xireen Dowladda hoose iyo Ciidamada taasoo ay barbar socoto barnaamijka derisaynta oo ay ka qayb qaadanayaan mutadawaciin Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa xusay siyaasadda bara-kacayaasha Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay arrintaasi kala hadleen Beesha Caalamka iyo hay’adaha sama-falka, si ay u helaan xuquuqdii ay u baahnaayeen.

“Waxa kaloon dedaal iyo juhdi gelinnay sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha bara-kacayaasha, oo dhib weyn qaba, kuwaasoo aan helin xuquuqdii ay u baahnaayeen, iyadana waxaan Beesha caalamka aad ugala hadalnay sidii aan u hagaajin lahayn xiriirka iyo wada shaqaynta Gobolka Banaadir uu u qaadan lahaa doorka hoggaamineed, waxaan diyaarinnay siyaasaddii bara-kacayaasha oo ay ka qayb qaateen Bulshada Soomaaliyeed”, ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Mudane,Yariisoow ayaa sheegay in ay ka maamul ahaan qorsheynayaan sidii Caasimadda looga hir-gelin lahaa nidaamka Dimoqraaddiyeynta, taasoo uu ku macneeyay in Degmo walba Golayaasheeda degaanka oo la soo doortay ay ka qayb qaataan, si Sanadda 2020-ka loo gaaro doorasho Qof iyo cod ah.

Guddoomiyaha oo aad ugu dheeraaday xagga ammaanka ayaa sheegay in Afartii Bil ee lasoo dhafay uu ammaanka Caasimaddu ahaa mid ka wanaasan sidoo hore, haatanna ay qorsheynayaan in ay nabad gelyada Gobolka Banaadir ay ka qayb qaataan wejiga Labaad 2000 oo Ciidamo Boolis ah, kuwaasoo aan wax balwad ah lahayn aadna u tababaran si ay Bulshadu u hesho nabad gelyo buuxda.

Previous Post

Al-Shabaab oo Gaari rakaab ah ku Rasaaseeyay agagaarka Mandheera Kenya

Next Post

Wasiirka Ganacsiga ee Soomaaliya oo heshiis is afgarad ah la saxiixday dhigiisa Kenya

Next Post
Wasiirka Ganacsiga ee Soomaaliya oo heshiis is afgarad ah la saxiixday dhigiisa Kenya

Wasiirka Ganacsiga ee Soomaaliya oo heshiis is afgarad ah la saxiixday dhigiisa Kenya

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In