Tuesday, August 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Eng. Yarisow “Muhiimadda koowaad waxaan siinayaa taageeridda xornimo hadalka dalka Soomaaliya.”+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Eng. Yarisow “Muhiimadda koowaad waxaan siinayaa taageeridda xornimo hadalka dalka Soomaaliya.”+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 02 April 2017 – Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), ayaa maanta xafiiska kala wareegay wasiirkii hore mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” kadib xaflad si xeer sare ah loo agaasimay oo ka dhaqday xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho, iyadoo uu goobjoog yahay ku xigeenka ra’iisul wasaaraha, Mudane Mahdi Maxamud Guled (Khadar).

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Khadar ayaa sheegay muhiimada warbaahinta dalka iyo sidii bulshada wacyigelin buuxda looga sameyn lahaa arrimaha Musuqmaasuqa iyo dowlad wanaaga.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

August 18, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026

Wasiirkii hore ee warfaafinta, Maareeye ayaa si niyadsan ugu mahadceliyay dhamaan shaqaalaha sida ay ula shaqeeyeen, wuxuuna ku dhiirigaliyay in ay la shaqeeyaan wasiirka cusub. Wasiir Maareeye, ayaa sheegay in “Eng Yariisoow uusan ahayn qof ku cusub Wasaaradda, maadaama uu sanadkii 2010 wasiir ka soo noqday isla wasaaradan, isla markaana uu soo qabtay xilal ay ka mid yihiin afhayeen xukuumadda, La taliye saree ee dowladda. Waxaanan aad ugu kalsoonahay in uu si buuxda u horumarin doono warbaahinta Soomaaliya.” Tan iyo markii si rasmi ah loo magacaabay wasiirka cusub, ayaa daneeyayaasha warbaahnta Soomaaliya iyo dadwaynaha Soomaaliyeedba aad u soo dhoweeyeen, iyagoo warbaahin kala duwan sida warbaahinta bulshada ku soo bandhigay dareenkooda, Waxay tani muujinaysaa in uu haysto kalsoonida dhamaan howlwadeenada iyo milkiilayaasha warbaahinta, iyagoo aaminsan in uu si wanaagsan u fulin doono waajibaadkiisa qaran. Si niyad ah oo dhab ahna wuxuu ugu rajaynayay Guul.”

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), ayaa sidoo kale u mahadceliyay wasiir Maareeye iyo dhamaan shaqaalaha wasaaradda howsha wanaagsan iyo shaqada hufan ee ay u hayaan wasaaradda iyo dalkaba guud ahaan. Wuxuu si ballaaran oo niyad ah uga mahadceliyay taageerada ballaaran iyo kalsoonida uu ka helay howlwadeenada warbaahinta iyo dadwaynaha, kadib markii loo magacaabay wasiirka warfaafinta. Eng Yarisow ayaa yiri “Erayo ama sadarro kuma soo koobi karo mahadcelinta aan u hayo dadwaynaha Soomaaliyeed iyo saaxiibadayda kae ee ajnabiga ah oo si ballaaran iigu soo hambalyeeyay tobankii maalmood ee la soo dhaafay ama wixii ka dambeeyay markii la ii magacaabay wasiirka warfaainta. Waxaan idinka codsanayaa in aad igu taageertaan horumarinta warbaahinta Soomaaliya si loo helo kalsooni saraysa, oo ay rajo ku abuuraan bulshada Soomaaliyeed. Waxaa iga go’an oo go’aan iga ah in aan u horseedo wasaaradda, iyadoo aan si dhow ula shaqaynayo daneeyayaasha dhamaan, oo ay ku jiraan dadwaynaha iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay ee dalka. Haa, Waan ku guulaysan karnaa howsha.”

Eng. Yarisow, wuxuu hoosta ka xariijay aragtida iyo hiigsiga lagu horumarinayo warbaahinta Soomaaliya, isagoo sheegay “Muhiimaddayda ugu horaysa in ay tahay in dardargaliyo xornimo hadalka iyo xoriyadda saxaafadda Soomaaliya, sida uu qabo Qodobka 18-aad ee xuquuqda aadanaha (1) wuxuu sheegayaa in “Qof kasta uu xaq u leeyahay in uu fikirkiisa si xor ah u muujiyo, uuna dhagaysto fikir kale, una soo bandhigo fikirkiisa, xogta iyo fikradoba sidii uu doono.” Arrimaha kale ee aan diiradda saarayo, waxaa ka mid ah fulinta Istaraatiijiyadda Warbaahinta Soomaalkya, Kobcinta aqoonta howlwadeenada warbaahinta, (kuwa dowladda iyo kuwa gaarka ah), howlgalinta sharciga warbaahinta Soomaaliyeed, aasaasidda Golaha Warbaahinta hagi doono waaxda warbaahinta guud ahaan dalka, in dalka laga abuuro Warbaahin ay dadwaynuhu leeyihiin, oo toos ugu adeegta oo markii ugu horeysay dalka laga howlgaliyo iyo abuuridda ololayaal wacyigalin oo ku salaysan qorshaha dastuur samaynta, federaalaynta, amniga, xasilinta, demoqraadiyaynta, kuwaas oo dhamaan horseedaya in la gaaro codbixin qofkiiba hal cod ah, la dagaalanka argagixisa, wadaniyadda, diinta iyo nabadda iwm.

Mudane Eng. Yarisow, wuxuu carrabka ku adkeeyay sida ay muhiimka u tahay in si wadajir ah loo shaqeeyo, looguna dhiirigaliyo cid walba in ay qaybteeda ka qaadato howsha taariikhda gali doonta. Wuxuu yiri “Far kaliya fool ma dhaqdo, kaligayna ma guulaysan karo, sidaa darteed, waxaa muhiim u ah cid walba in ay kaalinteeda ka qaadato taariikhda samaysmaysa ee horumarinta warbaahinga Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxay kalsooni ka haysataa iyo taageeraba dadka Soomaaliyeed, sidaa darteed, waxaan u baahan-nahay in la abuuro ololayaal wacyigalin bulsho, oo looga hadlo dhamaan qodobada muhiimka ah ee bulshada danta u ah si meesha looga saaro farqiga ku dhex jira dadka iyo dowladda, maadaama aan doonayno in dib loo soo celiyo, laguna guulaysto iskaashi wanaagsan oo buuxa oo dhexmara dadka iyo dowladda. Waxaan rajaynayaa in si buuxda ay u wadashaqeeyaan dhamaan daneeyayaasha. Aan si midaysan u wada-shaqayno si aan awood ugu helno hagaajinta tayada warbaahinta dalka.”

Previous Post

R/wasaare ku xigeenka Turkiga oo deeq raashin ah ku wareejiyay guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha+Sawirro

Next Post

Wasiirka Cusub ee Gaashaandhigga oo kormeer ku tagey Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Next Post
Wasiirka Cusub ee Gaashaandhigga oo kormeer ku tagey Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Wasiirka Cusub ee Gaashaandhigga oo kormeer ku tagey Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

August 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Danjiraha cusub ee dalka Hindiya u soo magacowday...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, oo ah Sharci...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “FARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMO”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “FARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMO”

August 18, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusay isaga...

Dowladda Soomaaliya oo ka guddoontay nuqullada waraaqaha aqoonsiga afar Safiir oo cusub

Somalia Receives Copies of Credentials from Four New Ambassadors

August 18, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Ali Abdi, received the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In