Wednesday, September 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Eng. Yarisow “Muhiimadda koowaad waxaan siinayaa taageeridda xornimo hadalka dalka Soomaaliya.”+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 2, 2017
in Wararka, Xulashada
0
Eng. Yarisow “Muhiimadda koowaad waxaan siinayaa taageeridda xornimo hadalka dalka Soomaaliya.”+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 02 April 2017 – Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), ayaa maanta xafiiska kala wareegay wasiirkii hore mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” kadib xaflad si xeer sare ah loo agaasimay oo ka dhaqday xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho, iyadoo uu goobjoog yahay ku xigeenka ra’iisul wasaaraha, Mudane Mahdi Maxamud Guled (Khadar).

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Khadar ayaa sheegay muhiimada warbaahinta dalka iyo sidii bulshada wacyigelin buuxda looga sameyn lahaa arrimaha Musuqmaasuqa iyo dowlad wanaaga.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025

Wasiirkii hore ee warfaafinta, Maareeye ayaa si niyadsan ugu mahadceliyay dhamaan shaqaalaha sida ay ula shaqeeyeen, wuxuuna ku dhiirigaliyay in ay la shaqeeyaan wasiirka cusub. Wasiir Maareeye, ayaa sheegay in “Eng Yariisoow uusan ahayn qof ku cusub Wasaaradda, maadaama uu sanadkii 2010 wasiir ka soo noqday isla wasaaradan, isla markaana uu soo qabtay xilal ay ka mid yihiin afhayeen xukuumadda, La taliye saree ee dowladda. Waxaanan aad ugu kalsoonahay in uu si buuxda u horumarin doono warbaahinta Soomaaliya.” Tan iyo markii si rasmi ah loo magacaabay wasiirka cusub, ayaa daneeyayaasha warbaahnta Soomaaliya iyo dadwaynaha Soomaaliyeedba aad u soo dhoweeyeen, iyagoo warbaahin kala duwan sida warbaahinta bulshada ku soo bandhigay dareenkooda, Waxay tani muujinaysaa in uu haysto kalsoonida dhamaan howlwadeenada iyo milkiilayaasha warbaahinta, iyagoo aaminsan in uu si wanaagsan u fulin doono waajibaadkiisa qaran. Si niyad ah oo dhab ahna wuxuu ugu rajaynayay Guul.”

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), ayaa sidoo kale u mahadceliyay wasiir Maareeye iyo dhamaan shaqaalaha wasaaradda howsha wanaagsan iyo shaqada hufan ee ay u hayaan wasaaradda iyo dalkaba guud ahaan. Wuxuu si ballaaran oo niyad ah uga mahadceliyay taageerada ballaaran iyo kalsoonida uu ka helay howlwadeenada warbaahinta iyo dadwaynaha, kadib markii loo magacaabay wasiirka warfaafinta. Eng Yarisow ayaa yiri “Erayo ama sadarro kuma soo koobi karo mahadcelinta aan u hayo dadwaynaha Soomaaliyeed iyo saaxiibadayda kae ee ajnabiga ah oo si ballaaran iigu soo hambalyeeyay tobankii maalmood ee la soo dhaafay ama wixii ka dambeeyay markii la ii magacaabay wasiirka warfaainta. Waxaan idinka codsanayaa in aad igu taageertaan horumarinta warbaahinta Soomaaliya si loo helo kalsooni saraysa, oo ay rajo ku abuuraan bulshada Soomaaliyeed. Waxaa iga go’an oo go’aan iga ah in aan u horseedo wasaaradda, iyadoo aan si dhow ula shaqaynayo daneeyayaasha dhamaan, oo ay ku jiraan dadwaynaha iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay ee dalka. Haa, Waan ku guulaysan karnaa howsha.”

Eng. Yarisow, wuxuu hoosta ka xariijay aragtida iyo hiigsiga lagu horumarinayo warbaahinta Soomaaliya, isagoo sheegay “Muhiimaddayda ugu horaysa in ay tahay in dardargaliyo xornimo hadalka iyo xoriyadda saxaafadda Soomaaliya, sida uu qabo Qodobka 18-aad ee xuquuqda aadanaha (1) wuxuu sheegayaa in “Qof kasta uu xaq u leeyahay in uu fikirkiisa si xor ah u muujiyo, uuna dhagaysto fikir kale, una soo bandhigo fikirkiisa, xogta iyo fikradoba sidii uu doono.” Arrimaha kale ee aan diiradda saarayo, waxaa ka mid ah fulinta Istaraatiijiyadda Warbaahinta Soomaalkya, Kobcinta aqoonta howlwadeenada warbaahinta, (kuwa dowladda iyo kuwa gaarka ah), howlgalinta sharciga warbaahinta Soomaaliyeed, aasaasidda Golaha Warbaahinta hagi doono waaxda warbaahinta guud ahaan dalka, in dalka laga abuuro Warbaahin ay dadwaynuhu leeyihiin, oo toos ugu adeegta oo markii ugu horeysay dalka laga howlgaliyo iyo abuuridda ololayaal wacyigalin oo ku salaysan qorshaha dastuur samaynta, federaalaynta, amniga, xasilinta, demoqraadiyaynta, kuwaas oo dhamaan horseedaya in la gaaro codbixin qofkiiba hal cod ah, la dagaalanka argagixisa, wadaniyadda, diinta iyo nabadda iwm.

Mudane Eng. Yarisow, wuxuu carrabka ku adkeeyay sida ay muhiimka u tahay in si wadajir ah loo shaqeeyo, looguna dhiirigaliyo cid walba in ay qaybteeda ka qaadato howsha taariikhda gali doonta. Wuxuu yiri “Far kaliya fool ma dhaqdo, kaligayna ma guulaysan karo, sidaa darteed, waxaa muhiim u ah cid walba in ay kaalinteeda ka qaadato taariikhda samaysmaysa ee horumarinta warbaahinga Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxay kalsooni ka haysataa iyo taageeraba dadka Soomaaliyeed, sidaa darteed, waxaan u baahan-nahay in la abuuro ololayaal wacyigalin bulsho, oo looga hadlo dhamaan qodobada muhiimka ah ee bulshada danta u ah si meesha looga saaro farqiga ku dhex jira dadka iyo dowladda, maadaama aan doonayno in dib loo soo celiyo, laguna guulaysto iskaashi wanaagsan oo buuxa oo dhexmara dadka iyo dowladda. Waxaan rajaynayaa in si buuxda ay u wadashaqeeyaan dhamaan daneeyayaasha. Aan si midaysan u wada-shaqayno si aan awood ugu helno hagaajinta tayada warbaahinta dalka.”

Previous Post

R/wasaare ku xigeenka Turkiga oo deeq raashin ah ku wareejiyay guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha+Sawirro

Next Post

Wasiirka Cusub ee Gaashaandhigga oo kormeer ku tagey Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Next Post
Wasiirka Cusub ee Gaashaandhigga oo kormeer ku tagey Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Wasiirka Cusub ee Gaashaandhigga oo kormeer ku tagey Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo ka jawaabaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, oo ka cabanayay in la...

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka,...

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa ka qeyb galay shir heer sare ah oo lagu...

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed uga jawaabayey su’aalo la xiriirra waxyaabaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In