Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Eng. Yarisow oo Boggaadiyey Dardarta ay ku socdaan howllaha Doorashooyinka 2020 “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Eng. Yarisow oo Boggaadiyey Dardarta ay ku socdaan howllaha Doorashooyinka 2020 “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 10 June 2018 – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo maanta soo xiray shir labo maalin soconayay oo looga hadlayay sidii bulshada Soomaaliyeed loo bari lahaa Habka codeynta Doorashooyinka oo soo qaban-qaabiyey Guddiga doorashooyinka Dalka ayaa boggaadiyey dardarta ay ku socoto u diyaar garowga doorashooyinka 2020.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa sheegtay in Qorshaha Istaratiijiga ah ee bulshada lagu barayo habka codeynta iyo shuruucda Doorashooyinka uu sal u noqon doonno howlaha uu wado Guddiga, isla markaanan uu bixin doono waddo lagu hirgeliyo nidaam huffan si loo helo doorasho la isku halayn karo oo qof iyo codkiisa sanadka 2020.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa rajo ka muujiyay in casharrada, waayo aragnimada iyo aqoonta ay kororsadeen ka qeybgalayaasha ay ka caawin doonto in bulshada Soomaaliyeed la baro nidaamka doorashooyinka, maadaama aysan aqoon u lahayn codeynta isla markaana ay bulshada ku yar yihiin dadka wax qora waxna akhriya, tani oo keenaysa in xili hore la bilaabo barashada hannaanka codeynta.

Mudane Yarisow waxuu sheegay dimoqraadiyadda iyo in tallada dib loogu celiyo shacabka ay kamid tahay ajendayaasha Dawladda dhexe iyo Maamulkiisu ay ku shaqeeyaan, maadaama lagu go’aamiyey in la qabto doorashooyin “Qof iyo Cod” ah sanadka 2020 shirkii Madaxda Qaranka, Maamul Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir ee dhowaan ka dhacay Baydhabo loogana fadhiyo guddiga in ay howshaas dar-dargeeliyaan.

“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa shaqooyinka muhiimka ah ee aad u haysaan bulshada Soomaaliyeed, bacdamaa lagu heshiiyey in sanadka 2020 ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah shaqada ugu badan ee arrintaas lagu hirgelinayo hortiina ayay taallaa, anaguna waxaan diyaar u nahay wixii tallo iyo tusaaale aad nooga baahan tihiin.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho oo ka hadlayay munaasabadda xiritaanka.

Eng. Yarisow ayaa ugu baaqay Guddiga Doorashooyinka Qaranka in wax walba lagu wajaho sinnaan iyo caddaalad, si kalsooni loo geliyo shacabka Soomaaliyeed iyo dhinacyada doorashada galaya, maadaama laga guurayo nidaamkii horey loogu dhaqmayay 28-kii sanno ee la soo dhaafay. Waxuna dhinaca kale xusay in Maamulka Gobolka Banaadir uu waddo u diyaar garowga doorashooyinka oo ugu horreyso dhismaha Golleyaasha deegaanka Caasimadda, si shacabka u soo doortaan hoggaankooda.

              –DHAMMAAD–

Previous Post

Mogadishu Mayor Orders Demolition of Piazza Libera Buildings in El-gab

Next Post

Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka "SAWIRRO"

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In