Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Eng. Yarisow oo sheegay Mataaneynta Muqdisho iyo Saint Paul in qeyb weyn ay ka qaadan doonto horumarka iyo dib-u-soo kabasha Caasimadda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 9, 2019
in Wararka
0
Eng. Yarisow oo sheegay Mataaneynta Muqdisho iyo Saint Paul in qeyb weyn ay ka qaadan doonto horumarka iyo dib-u-soo kabasha Caasimadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

— Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ku dhawaaqay Mataaneynta magaalooyinka Muqdisho iyo Saint Paul, isagoo sheegay in tallaabadani ay qeyb weyn ka qaadan doonto horumarka iyo dib-u-soo kabasha Caasimadda Muqdisho oo xiligan ku socota dhabaha horumarka iyo wax-wada qabsiga Caalamka.

 

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Duqa Muqdisho ayaa ku boggaadiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka kaalinta wax ku oolka ah ee ay ka qaateen dhaqan gelinta mataaneynta Muqdisho iyo Saint Paul oo guul ku soo dhammaatay

Qorsheyaasha ku jira heshiiska Mataaneynta labada Magaalo ayaa horseedaya wax-wada qabsi iyo is-dhaafsiga khibradaha la is dheer yahay, tayeynta shaqaalaha, qorsheynta iyo fulinta mashaariicda horumarineed, ilaalinta bilicda iyo deegaanka.

“Waxaan ku faraxsanahay oo sharaf weyn u ah dhammaan shacabka Soomaaliyeed in codsigii aan u gudbiyey Mayor-ka magaalada Saint Paul ee dalka Mareykanka la soo aqbalay in Muqdisho iyo Saint Paul la mataaneeyo. Waxaan u mahadcelinayaa Golaha deegaanka oo uu xubin ka yahay Kasim Busuri, Soomalida Minnesota iyo shaqsi walba oo kaalin ka geystay”

Duqa Saint Paul Melvin Carter ayaa sheegay in Mataaneynta labada magaalo ay tahay mid ku timid saaxiibtinimada labada bulsho, isagoo ku casuumay Duqa Muqdisho inuu yimaado Saint Paul si loo dar-dargeliyo mataaneynta .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Caalamka ay sanadihii dhowaa kaalin wanaagsan ka qaadanayeen siyaasadaha dalalka ay ku nool yihiin, tanoo kor u qaaday sumcadda ummadda Soomaaliyeed.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda oo maanta Shirka Jaraa’id qabtay

Next Post

Madaxweynaha JFS oo maalintii 5aad Guddoominaya Shirka Wadatashiga DFS, Dowlad Goboleedyada iyo G/Banaadir “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha JFS oo maalintii 5aad Guddoominaya Shirka Wadatashiga DFS, Dowlad Goboleedyada iyo G/Banaadir “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo maalintii 5aad Guddoominaya Shirka Wadatashiga DFS, Dowlad Goboleedyada iyo G/Banaadir "SAWIRRO"

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In