Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Eng.Yarisow “Waxaan uga mahadcelinayaa wadaniyadda bulshada G.Benaadir oo gutay waajibaadka Dastuuriga ah ee bixinta qaaraanka Qaranka”

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Eng.Yarisow “Waxaan uga mahadcelinayaa wadaniyadda bulshada G.Benaadir oo gutay waajibaadka Dastuuriga ah ee bixinta qaaraanka Qaranka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusman (Eng. Yarisow) ayaa ku bogaadiyey Dawladda Federaalka Soomaaliya guulaha ay ka gaartay kororka dakhliga dalka oo sadexdii bilood ee horraanta sanadkan gaarey $42.5 milyan, ahna heerkii ugu sarreeyey tan iyo bur burkii dawladdii dhexe.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in kobaca dakhliga Dawladda Federaalka Soomaaliya ay saldhig u yihiin shacabka Gobolka Benaadir oo si wadaniyad leh u bixiyey canshuuraha ku waajibay, bixiyeyna dhammaan $42.5 milyan ee suurta gelinaya in Soomaaliya deynta laga cafiyo.

“Aad ayey noo farxad gelisay in Dawladda Federaalka ay ka gudubto wajigii koowaad ee shuruudaha Hay’adda Lacagta Adduunka, arrinkan oo ku yimid biseylka bulshada Gobolka Benaadir oo si wadaniyad leh u gutay waajibaadka Dastuuriga ah ee bixinta qaaraanka Qaranka oo ah waajib saaran qof kasta oo muwaadin ah.”

Guddoomiye Yarisow ayaa sidoo kale sheegay in Maamulka iyo shaqaalaha heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Benaadir ay kaalin muhiim ah ka qaateen sidii looga dhabeyn lahaa dagaalka wada jirka ah ee ka dhanka ah musuq maasuqa canshuuraatka.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada dalka ay kaalintooda ka qaataan sidii loo soo nooleyn lahaa dakhliga Dawladda Dhexe oo udub dhexaad u ah dawladnimada iyo baahinta adeegyada asaasiga ah.

Hay’ada Lacagta Adduunka ayaa shuruud uga dhigtay Dawladda Dhexe inay kordhiyaan dakhliga si bulshada loogu adeego, tanoo fursad u siineysa in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay oo keeneysa in dalka maalgashi loo helo si loo hirgeliyo mashaariic horumarineed.

Previous Post

Gudoomiyaha Maxkamada  sare oo booqanaya xarumaha Garsoorka iyo cadaalada Puntland   

Next Post

Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray Magaalada Beledweyne

Next Post
Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray Magaalada Beledweyne

Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray Magaalada Beledweyne

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In