Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Eng.Yarisow “Waxaan uga mahadcelinayaa wadaniyadda bulshada G.Benaadir oo gutay waajibaadka Dastuuriga ah ee bixinta qaaraanka Qaranka”

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Eng.Yarisow “Waxaan uga mahadcelinayaa wadaniyadda bulshada G.Benaadir oo gutay waajibaadka Dastuuriga ah ee bixinta qaaraanka Qaranka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusman (Eng. Yarisow) ayaa ku bogaadiyey Dawladda Federaalka Soomaaliya guulaha ay ka gaartay kororka dakhliga dalka oo sadexdii bilood ee horraanta sanadkan gaarey $42.5 milyan, ahna heerkii ugu sarreeyey tan iyo bur burkii dawladdii dhexe.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in kobaca dakhliga Dawladda Federaalka Soomaaliya ay saldhig u yihiin shacabka Gobolka Benaadir oo si wadaniyad leh u bixiyey canshuuraha ku waajibay, bixiyeyna dhammaan $42.5 milyan ee suurta gelinaya in Soomaaliya deynta laga cafiyo.

“Aad ayey noo farxad gelisay in Dawladda Federaalka ay ka gudubto wajigii koowaad ee shuruudaha Hay’adda Lacagta Adduunka, arrinkan oo ku yimid biseylka bulshada Gobolka Benaadir oo si wadaniyad leh u gutay waajibaadka Dastuuriga ah ee bixinta qaaraanka Qaranka oo ah waajib saaran qof kasta oo muwaadin ah.”

Guddoomiye Yarisow ayaa sidoo kale sheegay in Maamulka iyo shaqaalaha heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Benaadir ay kaalin muhiim ah ka qaateen sidii looga dhabeyn lahaa dagaalka wada jirka ah ee ka dhanka ah musuq maasuqa canshuuraatka.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada dalka ay kaalintooda ka qaataan sidii loo soo nooleyn lahaa dakhliga Dawladda Dhexe oo udub dhexaad u ah dawladnimada iyo baahinta adeegyada asaasiga ah.

Hay’ada Lacagta Adduunka ayaa shuruud uga dhigtay Dawladda Dhexe inay kordhiyaan dakhliga si bulshada loogu adeego, tanoo fursad u siineysa in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay oo keeneysa in dalka maalgashi loo helo si loo hirgeliyo mashaariic horumarineed.

Previous Post

Gudoomiyaha Maxkamada  sare oo booqanaya xarumaha Garsoorka iyo cadaalada Puntland   

Next Post

Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray Magaalada Beledweyne

Next Post
Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray Magaalada Beledweyne

Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray Magaalada Beledweyne

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In