Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Erdogan iyo Putin oo Moscow ku kulmay

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Erdogan iyo Putin oo Moscow ku kulmay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dalkaTurkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wadahadal kula yeelan doona magaalada Moscow  madaxweynaha dalka Russia Vladimir Putin waxaana uu sheegay in uu doonayo in uu dib u soo celiyo  xiriirka kala dhexeeya Russia.

Waa markii ugu horeysay oo Mr Erdogan uu dalka dibadiisa  aado tan iyo markii uu dhacay isku daygii afgambe ee fashilmay  bishii la soo dhaafay.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Xiriirka labada dhinac ayaa xumaaday markii diyaarad militiri oo Ruushku leeyahay ay soo ay ku rideen xadka Suuriya militirga Turkiga bishii November ee sanadkii tagay.

Iyadoo xukuumadda Moscow ay ku jawaabtay cuna qabateyno dhanka dhaqaalaha ah oo ay ku soo rogtay dalka Turkiga waxaana kamid ahaa joojinta dalxiisiyaashii tagi jirey dalka  Turkiga.

Bishii Juun ayaa aqalka Kremelin-ka oo looga aramiyo dalka Ruushka waxaa uu sheegay in  madaxweynaha dalka Turkiga uu raaligelin ka bixiyay dhacdadaas isla markaana tacsi u direy ehelada duuliyeyaashii diyaaradaas.

Madaxweyne Erdogan ayaa ka hor inta uusan soo amba bixin waxaa uu sheegay in Mr. Putin uu yahay saaxiib isla markaana uu doonayo in la furo bog cusub oo dhanka xiriirka labada wadan ka dhexeeya.

“Booqashadani waxaa ay iiga dhigan tahay calaamad muujinaysa xiriirka labada dhinac oo markale dib u bilaabanay,” ayuu yiri Erdogan oo la hadlay wakaaladda Tass.

Labada hogaamiye ayaa wadahadalkooda maanta waxaa ay diiradda ku saari doonaan soo celinta xiriirka dhanka ganacsiga iyo maalgashiga iyo dib u soo celinta dalxiiska.

Waxayna sidoo kale, isla soo qaadi doonaan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada ka jirta dalka Suuriya, inkastoo labada dhinac ay ku kala duwan yihiin xaaladda dalka Suuriya.

Booqashada madaxweynaha Turkiga uu ku tagay dalka Russia waxaa ay imaanaysaa xilli Turkiga dhaleeceyn kala kulmay wadamada reer galbeedka talaabada uu ka qaaday dadkii lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen isku daygii afgambi.

Iyadoo xiriirka Turkiga iyo wadamada reer galbeedka uu hadda yahay mid mad madow soo kala dhexgalay.

 

 

 

Previous Post

Maamulka gobolka Sh/dhexe oo maanta dhagax dhigay iskuul laga dhisayo deegaaanka Kongo+Sawirro

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Wafdi Ka socda Jarmalka oo Ka wada hadlay Dhismaha Ciidamadda XDS+Sawirro

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Wafdi Ka socda Jarmalka oo Ka wada hadlay Dhismaha Ciidamadda XDS+Sawirro

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Wafdi Ka socda Jarmalka oo Ka wada hadlay Dhismaha Ciidamadda XDS+Sawirro

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In