Tuesday, May 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Erdogan oo ka laabtay go’aankii uu ka qaatay 10 safiir oo reer galbeed ah

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Caalamka
0
Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyip Ordagan oo Qaramada Midoobay ku tilmaamay in ay Burburtay.

Turkish President and Leader of the Justice and Development Party (AK Party) Recep Tayyip Erdogan delivers a speech during the AK Party's parliamentary group meeting at the Grand National Assembly of Turkey (TBMM) in Ankara, Turkey on March 6, 2018. / AFP PHOTO / ADEM ALTAN (Photo credit should read ADEM ALTAN/AFP/Getty Images)

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

KULANKA XOGHAYAASHA BAARLAMAANKA CARABTA OO TAAGEERAY MADAX BANAANIDA DHULEED EE JAHMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA.

KULANKA XOGHAYAASHA BAARLAMAANKA CARABTA OO TAAGEERAY MADAX BANAANIDA DHULEED EE JAHMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA.

January 13, 2024
Cabdiqaasim Salaad Xasan ”Somaliland waa gobol ka mid ah Soomaaliya heshiisna lama gali karo dal sida Ethiopia“.

Cabdiqaasim Salaad Xasan ”Somaliland waa gobol ka mid ah Soomaaliya heshiisna lama gali karo dal sida Ethiopia“.

January 12, 2024

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii ka laabtay hanjabaadiisa aheyd inuu eryayo safiirada 10 dal oo reer galbeed ah oo soo saaray bayaan ay ku taageerayaan ganacsade Turkish ah oo xiran.

Go’aanka Erdogan ayaa yimid kadib markii Mareykanka iyo dalalka kale ay soo saareen war-saxaafadeed ay ku sheegeen inay ixtiraamayaan Axdiga QM ee dhigaya in diblomaasiyiinta aysan faro-gelina arrimaha gudaha ee dalalka marti-geliya.

Erdogan ayaa kadib kulan uu la yeeshay isbaheysiga haya talada dalka iyo golaha wasiirada wuxuu taleefishinka kaga dhowaaqay in 10-ka safiir ay barteen casharadooda ayna “hadda kadib taxadari doonaan.”

Bayaanka cusub ee kasoo baxay reer galbeedka “wuxuu muujinayaa inay dib ug laabteen aflagaadeynta dalkeena,” ayuu yiri Erdogan.

Qiimaha lacagta Lira ee Turkey ayaa heerkii ugu hooseeyey hoos ugu dhacday kadib markii ay xiisaddan cusub ka dhex qaraxday Turkey iyo Reer Galbeedka, Isniintii toddobaadkii horey.

Xiisadda ayaa billaabatay kadib markii war-saxaafadeed ay soo saareen ay safiirada dalalka Canada, Denmark, Finland, France, Germany, Netherlands, New Zealand, Norway, Sweden iyo Mareykanka ay ku baaqeen “xal caddaalad oo deg deg ah oo laga gaaro kiiska Osman Kavala.”

Osman Kavala oo ah 64 jir Turkish ah oo ku dhashay Paris ayaa xabsi ku jiray tan iyo 2017 isaga oo aan wax dambi ah lagu helin.

Kavala ayaa wajahaya eedeymo dhowr ah oo la xiriira dibadbax ka dhan ah dowladda oo dhacay 2013 iyo afgambigii fashilmay ee 2016. Kavala waa uu beeniyey eedeymaha.

Diblomaasiyiinta ayaa sheegay in ceyrinta 10-ka safiir ay noqan laheyd arrin aan horey u dhicin oo dhex marta dalal xubno ka wada ah NATO.

Previous Post

Waa markii ugu horeesay oo ay bulshada rayidka ah ee ku nool Puntland helaan matalaad

Next Post

Nadiijada codbixinta doorashada golaha deegaanka  Puntland oo soo idlaatay

Next Post

Nadiijada codbixinta doorashada golaha deegaanka  Puntland oo soo idlaatay

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
0

Muqdisho, May 25, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah Soomaaliyeed,...

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa bayaanka wadajirka ah ee ay...

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalal badan oo Islaami ah ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada ay maamulka Somaliland ku...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u hakisay in Dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safar ee loo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In