Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergayga Abaraha Oo Ka Qeyb-galay Shirka Caalimiga Ee Sameeynta Masiibooyinka 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Ergayga Abaraha Oo Ka Qeyb-galay Shirka Caalimiga Ee Sameeynta Masiibooyinka 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Mudane Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ka qayb-galay shir caalami ah oo looga hadlayey saameynta masiibooyinka caalamiga ah ee is huwan, badqab la’anta cuntada iyo Isbeddelka Cimilada ay ku leeyihiin qaxootiga iyo barakaca bulshooyinka.

Shirka oo ka dhacay Magaalada Genève ee dalka Switzerland, ayaa waxaa hadallo ka jeediyey Ergeyga gaarka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha, Komishiinka Midowga Yurub u qaabilsan gargaarka bani’aadannimada iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Portugal.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

Sidoo kale waxaa madasha khudbado ka jeediyay, madaxda hay’adaha Beeraha Adduunka FOA, madaxa hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Qaramadaha Midoobay WHO iyo madaxa hay’adda Socdaalka Adduunka IOM oo shirka martigelisay.

Ergeyga, ayaa diiradda saaray saamaynta ay Isbeddelka Cimilada ku yeelatay Soomaaliya, taasoo sababtay abaaro iyo fatahaado joogta ah, isagoo dalbaday in dawladaha wasaqda Isbeddelka Cimilada sababta hawada ku sii daaya ay magdhow iyo maalgelin siiyaan dalalka ay saamaynta ugu badan ku dhacdo oo ay Soomaaliya ka mid tahay, si loo yareeyo khasaaraha iyo dhaawaca ka dhasha Isbeddelka Cimilada.

Ergayga ayaa dalbaday in si kor loogu qaado wax-soo-saarka beeraha ay tahay in Soomaaliya laga caawiyo tiknoolajiyadda casriga ah ee beeraha, kaabayaasha dhaqaalaha, tamar ka dhalinta dabaysha, horumarinta wax soo saarka xoolaha, dhirta, kaluumaysiga iyo beeraha. Ergayga wuxuu kaloo sheegay in Soomaaliya aysan kaalmo oo keli ah u baahnayn ee ay u baahan tahay caddaalad ay sameeyaan kuwa sababa Isbeddelka Cimilada.

“Wadamada ay isbedelka cimiladu saameeyeen uma baahna gargaar kaliya, ee waxa ay u baahan yihiin in ay caddaalad helaan, taasoo lagu kabayo dhaawaca ay cimilladu sababto, si loola noolaado Cimilada is baddeleysa, loo yareeyo dhibkeeda, loona xoojiyo adkaysiga bulshooyinka”, ayuu yiri Ergeyga.

Ergeyga ayaa wali ku guda jira socdaal u jeedkiisu yahay u qareemidda Gurmadka Abaaraha, sidii uu indhaca caalamka iyo deeq-bixiyayaashana ugu soo jeedin lahaa baaxadda abaarta ka jirta dalka iyo in saameynta Isbadelka Cilimida ee dadkeennu la dhibaatoonayan ay sabab u yihiin waddama hawada wasaqeeya magdhowna looga baahan yahay.





Tags: Ergayga Abaraha Oo Ka Qeyb-galay Shirka Caalimiga Ee Sameeynta Masiibooyinka
Previous Post

Duqa Muqdisho Oo Deeq Lacag Ah Geersiiyay Dr Cabdiraxmaan Xasan Cawaale 

Next Post

Dowladda Soomaaliya Oo War Kasoo Saartay Dagaalka Shabeelaha Dhexe

Next Post
Dowladda Soomaaliya Oo War Kasoo Saartay Dagaalka Shabeelaha Dhexe

Dowladda Soomaaliya Oo War Kasoo Saartay Dagaalka Shabeelaha Dhexe

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In